Jimco, December 14, 2007(HOL): Waxaa saaka barqadii ku geeriyootay magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Samafalad caan ahayd oo si weyn looga yaqaanay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose, taasi oo lagu magacaabi jiray Maano Suldaan C/raxmaan Cali (Maano Xaajow).
Marxuumadda oo aan qabin xanuun ay sariir la jiifatay ayaa waxay u geeriyootay Wadno Xanuun, iyadoo geerideedana ay si weyn uga naxeen dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Marka.
Marxuumad Maano Xaajow waxay madax ka ahayd Hay’ad Samafal oo lagu magacaabo Water For Life (WLF), sidoo kalena waxay gacanta ku heysay Xarun lagu magacaabo Ayuub oo lagu xanaaneeyo Caruur Agoon ah oo kumanaan gaaraya, kuwaasi oo Xarunta ka hela hoy, waxbarasho iyo wax kasta oo ay u baahan yihiin.
Caruurtan Agoonta ah ayaa marka ay koraan oo ay waxna bartaan waxaa ay marxuumadda ku dadaali jirtay in ay dhisto Mustaqbalkooda oo ay isu guuriso, isal markaana ay shaqo ka siiso xarumo waxbarasho oo ay gacanta ku heyso, kuwaasi oo ku yaala magaalada Marka.
Marxuumada oo da’deeda ay ahayd 62 sano ayaa waxaa si weyn looga yaqaanay gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Magaalada Marka oo ay ka hirgelisay barnaamijyo badan oo dadka Marka ay ka faa’iideysteen, iyadoo sidoo kalena lagu xusuusto dadaallo ay u gashay soo af-jaridda colaad dhexmartay Beelo wada dega Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ugu dambeyntiina, Meydka Marxuumadda ayaa la filayaa in saacadaha soo socda lagu aaso Khabuuraha Magaalada Marka, iyadoo geerida ku timidna ay si weyn uga naxeen Dadka ku Dhaqan magaalada Marka, gaar ahaan kuwii ay gacanta ku heysay oo ay ugu horeeyaan Caruurta Agoonta ah ee ku jira Xarunta Ayuub ee Degmada Marka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia