15 C
London
Monday, October 13, 2025

Ciidamada Itoobiya oo Dad Rayid ah ku dilay, kuna dhaawacay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 14, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Warshaddii Baastada ayaa saaka waxay toogteen dad rayid ah, kuwaasi oo qaarkood ay geeriyoodeen, halka kuwo kalena ay dhaawacmeen.
 
Dad goob-joogayaal ah oo ku sugan Deegaanka Juungal ayaa HOL u sheegay in ay saaka Ciidamada Itoobiya toogteen Haweeney iyo Wiil yar oo ay dhashay, kuwaasi oo shalay ilaa xalay ku go’doonsanaa gurigooda oo ku yaala meel aan u dheereyn dhismayaashii Ceymiska.
 
Haweeneydan iyo Wiilka ay dhashay ee ay toogteen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay doonayeen in ay saaka ka baxaan gurigooda, hayeeshee markii ay guriga ka soo baxeen ayaa waxay ku soo dhaceen waddo ay Ciidamada Itoobiyaanka shiishka ku hayeen, taasi oo qofkii soo maraba ay tooganayeen.

Sidoo kalena, Gaari Bus ah oo ay saarnaayeen Dad rayid ah oo ka yimid dhinaca Suuqa Xoolaha ayaa isna waxaa ku dhaawacantay Haweeney gaariga qeybta hore ka saarneyd, kadib markii ay gaariga rasaas ku fureen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan agagaarka Ceymiska.

Gaariga BL ah oo  Waddooyin qardo-jeex ah ku socday ayaa la sheegay in uu doonayay in uu ku leexdo Waddo Jid Carri ah oo Wadada Warshadaha dhanka Waqooyi ka xigta, gaar ahaan meel u dhow Isbitaalka Carafaat, hayeeshee waa laga kala cararay kadib markii ay qabsatay rasastii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku rideen.

Dhanka kalena, Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dagaal saaka ka socday inta u dhaxeysa Isgoyska Towfiiq iyo Isbitaalka Al-Carafaad-na waxaa ay sheegayaan in haatan uu dagaalkaas qaboobay, isla markaana aysan dhaceynin madaafiic saaka laga maqlayay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay is-weydaarsanayeen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).