15 C
London
Monday, October 13, 2025

Saraakiil Ciidan oo ka badbaaday Qarax miino oo lagu dili lahaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 14, 2007(HOL): Waxaa ka badbaaday Qarax Miino oo lagu dili lahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ahna Taliyaha Qeybta Galbeed G/lle Sare C/llaahi Xasan Bariise iyo Taliyaha Saldhigga Degmada Dayniile.
 
Gaari ay la socdeen labada Taliye ayaa markii qaraxa lala beegsanayay waxaa uu marayay Deegaanka Xoosh ee Degmada Dharkeenley, isagoo xiligaas ka tegay Saldhigga Galbeed ee isla degmadaas.
 
Sida ay ku warameen Dadka deegaankaas ku sugan wax khasaaraha ah qaraxaas kama soo gaarin Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, hayeeshee waxaa qaraxaas ku geeriyooday Nin Jalaato ku iibinayay halka uu qaraxa ka dhacay, halka uu ku dhaawacmay nin kale oo wadada socday.

Waa Qaraxii seddexaad oo lala beegsado gaariga Taliyaha Qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka G/lle Sare C/llaahi Xasan Bariise, iyadoo ay jireen qaraxyo hore oo lagu weeraray gaarigiisa, kuwaasi oo aysan waxyeello ka soo gaarin.

Dhanka kalena, warar naga soo gaaray Deegaanka Buulo Xuubey ayaa waxay sheegayaan in maanta halkaas lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka, kaasi oo la sheegay in ay toogteen Rag Bastoolado ku hubeysnaa.

Askarigan oo markii la tooganayay aan qabin Dharka Ciidamada ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Madiina, balse intii aan Isbitaalka la gaarsiinin ayuu geeriyooday, iyadoo kadibna ay meydkiisa qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo baxay Xarunta Villa Baydhabo oo aan u dheereyn halka Askarigaas lagu dilay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo horaantii sanadkan oo ay soo galeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya waxaa saldhigan la’ xaaladdeeda nabadgelyo, waxaana mar kasta ka dhacaya, qaraxyo, dilal iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).