Jimco, December 14, 2007(HOL): Madaafiic xooggan oo dhawaqeeda laga maqlayo inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu garaacayaa Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.
Madaafiicdan oo ka soo dhacaya fariisimo ay Ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, gaar ahaana Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxay ku dhaceen xaafado u dhow Isbitaalka Carafaad oo lagu magacaabo Mahad Alle, Deegaanka Juungal iyo weliba Xaafado kale oo ka tirsan Deegaanka Gubta ee Degmada Dayniile.
Ilaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay khasaaraha ay geysteen labo madfac oo ku dhacay guri ku yaala deegaanka Mahad- Alle ee degmada Yaaqshiid iyo weliba Garaash ay Dhuxul taalay oo ku yaala agagaarka Miisaanka dhuxusha, kuwaasi oo markii ay madaafiicda ku dhaceen kadib gubtay.
Madaafiicda ay Ciidamada Itoobiyaanka ku garaacayaan xaafadahaas ayaa waxay bilowdeen kadib markii uu shalay inta u dhaxeysa Shirkadda Coca Cola iyo Isbitaalka Carafaat ee Wadada Warshadaha uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaalkaasi oo ahaa mid xoogganna uu iskiis u istaagay shalay markii ay qoraxdii dhacday.
Wadada Warshadaha ayaa gebi ahaanteed waxay haatan u xiran tahay Ciidamada Itoobiya oo iyagu xalay ku hoyday halkii uu shalay dagaalka ku qabsaday, iyadoo la soo werinayo in ay saaka gudaha u galeen deegaannada dhanka Waqooyi ka xiga Wadada Warshadaha, inkastoo ay deegaannadaas yihiin kuwo ay dadkii deganaa horay uga barakaceen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sii kordhaya iska hor-imaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo dad badan oo Muqdisho ku dhaqnaa ku kalifay in ay guryahooda isaga cararaan, isla markaana ay degaan meelo aaney ka heleynin adeegyada aas-aasiga ah ee ay Bani’aadamka u baahan yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia