15 C
London
Monday, October 13, 2025

Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo si kala gooni gooni ah u beeniyay in ay Ciidamadooda madaafiic ku garaaceen Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 14, 2007(HOL): Mas’uuliyiin u hadlay Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxay beeniyeen in ay Ciidamadooda ka dambeeyeen madaafiic ay dad 10 ruux ka badan ku dhinteen oo shalay lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
 
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in madaafiicdii shalay lagu garaacay Suuqa Bakaaraha aysan ka dambeynin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay madaafiicdaas ka dambeeyeen kooxo Muqdisho ka wada falal nabadgelyo darro ah oo laga taageeri waayay deegaano ay ka howlgeli jireen, waa sida uu Maxamed Dheere hadalka u dhigaye.

Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga waxaa uu sheegay in Kooxaha madaafiicda ku soo tuuray Suuqa Bakaaraha laga diiday deegaanno dhowr ah oo Muqdisho ku yaala iyo weliba Suuqa Bakaaraha, sidaas darteedna ay haatan ku soo hareen meelo yar oo Suuqa Xoolaha Galbeedkiisa ah.

Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in Rag Ajnabi ah ay ka qeybqaadanayaan Dagaallada lagala soo horjeedo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, inkastoo uusan sheegin halka ay ka yimaadeen raggaas ajnabig ah oo uu xusay in lagu arkay deegaanka Suuqa Xoolaha.

La Taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo lagu magacaabo Bereket Simon ayaa isna BBC-da u sheegay in aysan jirin baahi Ciidamada Dowladda Itoobiya ku kalifeysa in ay bartilmaameed ka dhigtaan Suuqyada ay Dadka Shacabka ah joogaan, wuxuuna caddeeyay in aysan waxba ka jirin eedeymo loo soo jeediyay oo ahaa in ay Ciidamadooda madaafiic ku garaaceen Suuqa Bakaaraha.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Seddex Madfac oo maalintii shalay ahayd ku dhacday Suuqa Bakaaraha ayaa waxay geysteen dhimashada Dad ka badan 10 Ruux iyo Dhaawaca Dad kale oo 20 ruux ku dhow, iyadoo madaafiicdaasna ay ahaayeen kuwo si xaasidnimo ah loogu tuuray Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, isla markaana ay maalin walba tagaan Dad ku ganacsada iyo Dad wax ka iibsada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).