Jimco, December 14, 2007(HOL): Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha Abgaal ayaa wuxuu ka warbixiyay halka ay u mareyso waan waan uu ka dhexwado labo beelood oo dhawaan ku dagalaamay Tuulada Xaaji Cali ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Imaam Maxamuud waxa uu sheegay in uu ku guuleystay in uu xabad-joojin kala dhex dhigo labo maleeshiyo beeleed oo Talaadadii aynu ka soo gudubnay ku dagaalamay Tuulada Xaaji Cali, kuwaasi oo dagaal dhexmaray uu geystay dhimashada 9 Ruux iyo dhaawac intaas ka badan.
Imaamka waxaa uu sheegay in maanta oo Jimco ah la kala qaadayo Maleeshiyooyinka labada Beelood, isla markaana la gowracayo sida uu yiri Sumal iyo Sumeyn colaadda lagu joojinayo, iyadoo kadibna uu xusay in la furayo wada hadallo looga hadlayo waxyaabihii dhaliyay dagaalka.
“Marka Maleeshiyooyinka la kala qaado waxaa la gowracayaa Sumal iyo Sumeyn, kadibna waxaa la doonayaa Odayaal iyo Culumaa’udiin ay horay labada beelood ee dagaalamay uga diideen in ay Xabadda joojiyaan”ayuu yiri Imaamka oo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay colaaddaas soo af-jaranto.
Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa horay wuxuu u soo af-jaray colaad ka dhacday deegaanada ay haatan dirirta ka dhacday, iyadoo dagaalladaas ay sidoo kale salka ku hayeen aanooyin iyo muran ka dhashay dhul daaqsin ah, kaasi oo isu bedelay gacan ka hadal.
Ugu dambeyntiina, Horaantii sanadkan ayay ahayd markii dagaal ka dhacay Tuulada Xaaji Cali uu sababay dhimaasho iyo dhaawac soo gaaray dad aad u tiro badan, iyadoo sidoo kalena ay xusid mudan tahay in colaaddii u dhaxeysay beelahaas ay salfatay labo wariye oo lagu kala magacaabi jiray Abshir Cali Gabre iyo Axmed Xasan Mahad oo u kala shaqeynayay Idaacadda IQK ee Muqdisho iyo Idaacadda SBC ee Boosaaso, kuwaasi oo geeriyooday kadib markii rasaas la huwiyay gaadiid ay la socdeen guddi waan waan waday oo uu maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe halkaas u diray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia