Khamiis, December 13, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Xalay fiidkii ayaa fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah waxaa weerar ku qaaday kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxaana xalay laga maqlayay nawaaxiga Xarumaha Gaashaandhigga, Shiirkole, Guul-wadayaasha, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Warshaddii Baastada laga maqlayay madaafiic xooggan oo qaar ay xarumahaas ku dhacayeen, halka kuwo kalena laga ridayay.
Dagaalka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo madaafiicda la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado ka fog halka dirirtu ka socotay ayaa waxaa uu socday muddo saacad ka badan, iyadoo markii uu dagaalka istaagay kadibna la maqlayay madaafiic aan la ogeyn meel laga soo tuuray, kuwaasi oo ku dhacayay xaafado ka tirsan Degmooyinka Dayniile iyo Yaaqshiid.
Qaar ka mid ah madaafiicda dagaalka la isugu adeegsaday ayaa waxay dad rayid ah waxyeello ku gaarsiiyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxaana Madfac ku dhacay xaafadda Ceymiska ku dhaawacmay qoys seddex ruux ka koobnaa, kuwaasi oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Dagaalka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomalaiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Xeradii Saraakiisha Shiirkole la dejiyay Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray gudaha Itoobiya, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay 1,500 oo askari, iyadoo halkaasina ay ka guureen ciidamo Itoobiyaan ah oo horay u deganaa.
Kadib Dagaalkii xalay ayaa saaka xaafado ka tirsan Degmada Hodan oo kala ah Al-Baraka, NBC iyo Black Sea waxaa lagu arkayaa Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, waxaana gebi ahaanba istaagay isu socodkii dadka iyo gaadiidka iyo weliba ganacsi yar oo maalmahan halkaas ka bilaabanayay kadib markii ay halkaas ka baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo bil ah ku sugnaa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo horaantii sanadkan oo ay soo galeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya waxaa saldhigan la’ xaaladdeeda nabadgelyo, waxaana mar kasta ka dhacaya, qaraxyo, dilal iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia