14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Labo ka mid ah Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee Markabka ku heystay Xeebta Boosaaso oo la qabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 13, 2007(HOL): Ciidamada Ammaanka  Xeebaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay gacanta ku dhigeen labo ka mid ah Kooxo Burcad Badeed ah oo muddo todobaad ka badan Xeebta Boosaaso ku heystay Markab laga leeyahay Dalka Japan, kaasi oo ay ka qabsadeen Xeebaha Soomaaliya.
 
Wasiirka Dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in labadan nin ee ka tirsanaa kooxihii Burcad Badeedka ahaa haatan ay ku socoto su’aalo weydiin, isagoo rajo ka muujiyay in iyana la soo qaban doono kooxihii kale ee Burcad Badeedka ahaa.
 
Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in labada nin ee la qabtay laga soo helay meel wax xoogaa ka fog Xeebta Boosaaso, wuxuuna caddeeyay inay soo qabashadaas suurtagashay kadib markii ay Xeebaha Puntland Ciidamo u qeybiyeen.

“Dowlad goboleedka Puntland mar kasta waa ay soo qabaneysaa Kooxahaas, marnaba Burcad Badeed raali laga noqon maayo, hadda waxaa la hayaa raadkooda, inta hartayna  waa la soo qabanayaa xitaa haddii ay joogaan gudaha Magaalada Boosaaso”ayuu yiri Wasiirka Dowladaha Hoose ee Puntland.

Ugu dambeyntiina, Kooxdan Burcad Badeedka ah ee lagu raad-joogo ayaa waxay Xeebta Boosaaso ku heysteen Markab laga leeyahay Dalka Japan oo lagu magacaabo M.V Golden Nori,  kaasi oo  intii ay heysteen ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo gaareysa hal Milyan oo Doollar, taasi oo aan la ogeyn in la siiyay in ay Markabka isaga sii daayeen cabsi ay ka cabsadeen Markaakiib dagaal oo ay leeyihiin dowladaha Mareykanka iyo Jarmalka oo aad ugu soo dhawaaday Xeebta Boosaaso.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).