14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo lagu weeraray Qarax Miino oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 12, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa goor dhaweyd ka bad-baaday isku day la doonayay in lagu khaarajiyo kadib markii gaarigii uu la socday lagu weeraray Bambo nooca gacanta laga tuuro ah.
 
Weerarka Guddoomiyaha oo ka dhacay Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhaawacmay Labo Ruux oo Rayid ah sida HOL ay u xaqiijiyeen dad Goob joog ahaa markii uu weerarku dhacay.
 
Ilaa hadda lama oga cid ka danbeeysay weerarka lagu qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan oo xiligaas ku mashquulsanaa kormeer uu ku sameynayay howlgal Ciidamada Boolisku ku bur-burinayeen goobo lagu sheegay in ay yihiin sharci darro oo ka dhisnaa Qeybo ka mid ah Xaafadda Howl-wadaag.
 
Dadka qaar ayaa sheegaya in kuwa weerarka soo qaaday ahaayeen dad iyagu ka careysan burburinta lagu hayo Goobahooda ganacsi,  inkastoo hadana warkaas isaga ah uusan aheyn mid lagu wada kalsoonaan karo.
 
Hawlaha burburinta ah ee ka socda qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne ayay dadku siyaabo kala duwan u arkayaan iyagoo dadka qaar kuu sheegaya in arimaha oo dhan loo baahan yahay in laga hormariyo Nabad-galyada, halka kuwo kalana ay qabaan in loo baahan yahay in la bur buriyo goobaha aan sharciga ku dhisneyn oo ah kuwo wax weyn u dhimay bilicdii magaalada.
 
Dhawaan ayeey aheyd markii uu guddoomiyaha Gobalka Hiiraan sheegay in uu la dagaalami doono kooxaha Rabshadaha wada isla markaana Maamulkiisu ka soo dhamaaday dulqaadkii loo hayay kooxahaasi cid kasta oo ay ka tirsan yihiin.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).