Arbaco, December 12, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta wuxuu ka hadlay hadal uu dhawaan sii daayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, kaasi oo ahaa in Magaalada Kismaayo aysan gacanta ku heynin Dowladda Federaalka, isla markaana ay halkaas ka taliyaan Qabaa’illo.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Jubbada Hoose Axmed Cabdi Cumar (Axmed Sandheere) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen hadalka Madaxweynaha ee ku aadan in aysan dowladda Federaalka gacanta ku heynin magaalada Kismaayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu gobolka Jubbada Hoose hoos-tago Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Annagu waxaan ku shaqeynaa wareegto uu soo saaray Madaxweynaha oo aan meesha ku joognaa, waxaana shaqeynaya maamulka gobolka, Saldhiggii Ciidamada, Xabsiga, magaaladana nabadgelyo ayaa ka jirta”ayuu yiri Axmed Sandheere oo sheegay in uu fajac ku noqday wareysi uu siiyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da, kaasi oo uu ku sheegay in aysan magaalada Kismaayo ku jirin gacanta Dowladda Federaalka.
Sidoo kalena, waxaa isna jawaab ka bixiyay hadalka Madaxweynaha Suldaan Saciid Faarax oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha dega Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna sheegay Suldaanku in aysan hadalkaas ka fileynin madaxweynaha.
“Magaalada Kismaayo waxaa ka talisa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana taas u daliil ah waxaa ka jira magaalada Kismaayo maamul ay magacawday Dowladda Federaalka, welibana waxaa la xusuusan yahay in ay gudaha magaalada hadda ka hor ku dagaalameen Guutooyin ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka”ayuu yiri Suldaan Saciid Faarax oo u waramayay Idaacadda Capital Voice ee magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia