12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Miino lagu qarxiyay Isgoyska Howl-Wadaag oo sababtay dhimashada 5 Ruux oo isugu jira Ciidamada Dowladda iyo Dad Rayid ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado,December 11, 2007(HOL): Shan Ruux oo seddex ka mid ah ay yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa geeriyootay, seddex ruux oo rayid ah dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay saaka Miino nooca meelaha fog laga hago ah lagu qarxiyay Isgoyska Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.
 
Shanta Ruux ee geeriyooday ayaa waxay kala ahaayeen Seddex Askari oo fadhiyay meesha Miinada lagu aasay, halka labada ruux ee kalena ay ahaayeen Wiil dhalinyaro oo la shaqeynayay Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya Suuqa Bakaaraha ilaa Km4 iyo Darawal ku dhex jiray Gaari BL ah oo yaalay agagaarka Shirkadaha Isgaarsiinta Suuqa Bakaaraha, kaasi oo ay haleeshay rasaas ay qaraxa kadib fureen Ciidamada Dowladda.

Goob-jooge ku sugnaa Isgoyska Howl-Wadaag markii uu qaraxa dhacayay ayaa sheegay in Miinada ay ku qaraxday meel ay fadhiyeen Ciidamo lacag ka qaadayay Gaadiidka BL ah iyo kuwa xamuulka ah ee Isgoyskaas isticmaala, iyadoo dad kale oo aaggaas deganna ay sheegeen in Miinada xalay lagu aasay meesha ay ku qaraxday.

Qaraxaas kadib ayaa waxaa mar kaliya qasantay xaaladda Suuqa Bakaaraha, waxaana soo baxay Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo jiho kasta rasaas u ridayay. Muddo 3 saacadood ku dhow ayay Ciidamada Dowladda u xayirnaayeen isu socodka Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha iyo weliba goobaha ganacsiga ee aaggaas ku yaala, kuwaasi oo ay dadkii lahaa albaabada u laabeen kadib markii ay u adkeysan waayeen rasaasta faraha badan ee ay furayaan Ciidamada Dowladda.

Abaara 12-kii duhurnimo ayaa Wiilal dhalinyaro ah waxay bambo gacmeed ku tuureen Ciidamo ku sugnaa Isgoyska Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna bambadaas keentay in ay mar kale soo baxaan Ciidamada Dowladda, kadibna ay rasaas ku furaan Waddooyinka Jid-cadayaasha ah ee isku xira Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, isla markaana uu ku xiran yahay ganacsiga Gobollo badan oo dalka Soomaaliya ku yaala ayaa wuxuu haatan u muuqdaa mid uu sii yaraanayo ganacsigii ka jiray, iyadoo dadkii ku ganacsan jiray Suuqa ay noqdeen kuwo ganacsigooda u wareejiyay Suuqyo kale oo Muqdisho ku yaala, halka kuwo kalena ay dalkaba isaga tageen kadib markii ay xaraasheen waxyaabihii ay ka ganacsanayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).