Talaado,December 11, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay mar kale weerar ku qaadeen Saldhigga Galbeed ee degmada Dharkeenley, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay Askari ka mid ah Ciidamadii Saldhigga joogay.
Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Banaadir, ahna Taliyaha qeybta Galbeed ee gobolka Col. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in uu weerarkaas oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro uu ku dhaawacmay Askari Isbatoore ah oo Saldhigga joogay, kaasi oo uu sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud.
Sidoo kalena weerarkan waxaa isna ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin Cabdulle Cali oo sheegay in weerarkan uu ahaa mid aan dhibaato u geysan ciidamadii saldhigga joogay ee la soo weeraray, wuxuuna intaas ku daray in ay carareen kooxihii weerarka ku soo qaaday kadib markii sida uu yiri ay iska caabin la kulmeen.
Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin Cabdulle Cali oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Degmada Dharkeenley ay ammaan ahaan jirtay, isla markaana ay xaaladda nabadgelyo la’aanta ah gashay kadib markii ay deegaanada Degmadaas ku qaxeen dad badan oo deganaa degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir, isagoo carrabka ku dhuftay in kooxaha ka dambeeya falalka nabdgelyo darrada ah ay dadkaas ku soo dhex dhuuntaan.
Dhowr jeer oo hore ayaa Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley waxaa lagu qaaday weerarro ceynkan oo kale ah, kuwaasi oo ay Saldhigga ku qaadeen Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo horaantii sanadkan oo ay soo galeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya waxaa saldhigan la’ xaaladdeeda nabadgelyo, waxaana mar kasta ka dhacaya, qaraxyo, dilal iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia