12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in muqdisho aysan weli ka bixin gacanta Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 10, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa sheegay in Muqdisho aysan weli ka bixin gacanta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
 
Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Sharqul Awsat ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in maalmihii aynu ka soo gudubnay ay soo baxayeen warar sheegayay in Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ay isaga baxeen goobo ay magaalada Muqdisho ka fadhiyeen, wuxuuna warkaas ku tilmaamay mid aaney waxba ka jirin.

Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay dhawaan Muqdisho ka bilaabi doonaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan, kuwaasi oo sida uu yiri laga fulin doono xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Hadalka Wasiirka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo 8-dii bishan ay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ay halkaas isaga baxeen, iyagoo dib ugu laabtay fariisimo ay ka soo baxeen, iyadoo markaasina kadibna ay goobihii ay Ciidamada ka baxeen ay tageen Kooxo aad u hubeysan oo tiradooda aad u badneyd, kuwaasi oo hubka ay heystaan iyo tiradooda ku soo bandhigay meelihii ay Ciidamada ka baxeen.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo horaantii sanadkan oo ay soo galeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya waxaa saldhigan la’ xaaladdeeda nabadgelyo, waxaana mar kasta ka dhacaya, qaraxyo, dilal iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).