13.4 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Labo ruux oo maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 10, 2007(HOL): Labo ruux oo rayid ah ayaa maanta waxay ku geeriyoodeen gudaha Suuqa Bakaaraha, kadib markii ay haleeshay rasaas ay fureen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo rasaasta furay kadib markii bambo gacmeedyo lagu weeraray.
 
Labada Ruux ee geeriyooday ayaa waxay kala ahaayeen Nin Wadada marayay iyo weliba Nin kale oo alaab ku waday Gaari Dameer, kaasi oo xitaa Dameerkii uu kaxeynayay ay dishay rasaastii ay Ciidamada ku fureen.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Waddooyinka koowaad iyo labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa abaara 11-kii Barqanimo ee maanta waxaa Bambooyinka gacanta laga tuuro ku weeraray Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa, iyadoo kadibna ay mar kaliya qasantay Xaaladda Suuqa Bakaaraha, iyadoo haatanna mararka qaarkood la maqlayo Rasaas ay ridayaan Ciidamada Dowladda.

Suuqa Bakaaraha ayaa saaka wuxuu ahaa mid degan, waxayna deganaantaas suurtagelisay in ay Suuqa u soo shaqo tagaan dad badan oo haatan gudaha Suuqa ku jira, isla markaana qorsheynaya in ay guryahooda isaga laabtaan bacdamaa uusan jirin jawi saamaxaya in ay ganacsigooda sii wataan.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, isla markaana uu ku xiran yahay ganacsiga Gobollo badan oo dalka Soomaaliya ku yaala ayaa wuxuu haatan u muuqdaa mid uu sii yaraanayo ganacsigii ka jiray, iyadoo dadkii ku ganacsan jiray Suuqa ay noqdeen kuwo ganacsigooda u wareejiyay Suuqyo kale oo Muqdisho ku yaala, halka kuwo kalena ay dalkaba isaga tageen kadib markii ay xaraasheen waxyaabihii ay ka ganacsanayeen.

Dad badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho, isla markanaa la socda dhacdooyinka maalin walba ka dhaca Suuqa Bakaaraha ayaa marka aad weydiiso sida ay u arkayaan waxyaabaha ka dhacaya Suuqaas waxay kuu sheegayaan in uu jiro qorshe lagu doonayo in lagu baabi’iyo Suuqa Bakaaraha, kaasi oo aaney weli dareensaneyn dadka ganacsiga muuqda ku leh.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).