Isniin, December 10, 2007(HOL): Ugaas Maxamed Weli oo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya, isla markaana ka qeybgalay Shirkii ay dhawaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa maanta laga masaafuriyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Ugaaska oo seddex maalin ka hor soo gaaray magaalda Kismaayo ayaa markii uu halkaas gaaray waxaa loogu baaqay in uu isaga tago magaalada Kismaayo kadib wada hadal ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Sade ee magaaladaas ku sugan.
Xasan Maxamed Cali (Xasan Dheere) oo ah Afhayeenka Beesha Sade ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in go’aanka lagu masaafuriyay Ugaaska ay ka dambeeyeen Odayaasha Beesha, wuxuuna caddeeyay sida uu yiri in Ugaas Maxamed Weli uu garowsaday baaqa loo soo jeediyay, sidaas darteed uu magaalada isaga tegay saaka 10-kii subaxnimo.
“Ugaas Maxamed Weli wuxuu ka mid ahaa Raggii ka qeybgalay Shirkii Asmara, sida lala socdana annagu qoladaas xiriir lama lahayn, marka markii uu magaalada yimid waxaa shir isugu yimid Odayaasha Beesha, kadibna waxaa la go’aamiyay in uu Magaalada ka baxo”ayuu yiri Xasan Dheere oo sheegay in uu Ugaas Maxamed Weli u baqoolay dhinaca Gobolka Gedo oo uu markii hore ka soo galay.
Ugaas Maxamed Weli markii uu ka tegayay magaalada Kismaayo ma bixin wax hadal ah oo ku saabsan amarka lagu soo rogay ee ah in uu ka baxo Magaalada Kismaayo, hayeeshee saacadaha soo socda ayaa la filayaa in uu Ugaaska ka hadlo amarka looga soo saaray magaalada Kismaayo.
Ugaas Maxamed Weli oo si weyn u taageeri jiray Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya ee mudada lixda bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa wuxuu magaalada Muqdisho isaga tegay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegeen gacan ku heynta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ugu dambeyntiina, mar sii horeysay ayaa waxay xiisad ceynkan oo kale ah ku qabsatay deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ka tirsan Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya ee ka tirsanaan jiray Baalarmaanka Federaalka Soomaaliya oo isna ka soo qeybgalay Shirkii Asmara, kaasi oo uu maamulka Gobolka Jubbada Dhexe ka soo saaray amar lagu masaafurinayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia