Isniin, December 10, 2007(HOL): Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa saaka waxay howlgallo ka wadaan xaafadaha ku yaala hareeraha Wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Towfiiq iyo Fagax ee Degmada Yaaqshiid.
Ciidamadan oo aad u tiro badan ayaa waxay saaka aroortii hore ku kalaheen xaafadahaas, iyadoo dadka ku dhaqan xaafadahaas ay saaka arkeen iyadoo guryahooda ay horfadhiyaan Ciidamo hubeysan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo dadka ku amrayay in aysan guryahooda ka soo bixin.
Howlgalka ay Ciidamadan sameynayaan ayay dadka ku dhaqan inta u dhaxeysa Isgoysyada Towfiiq iyo Fagax waxay sheegayaan in howlgallada ay yihiin kuwo iska caadi ah oo aaney ciidamada dadka wax dhibaato ah ugu geysaneynin, hayeeshee waxay sheegeen in ay Ciidamadan hakad geliyeen isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee isticmaali jiray Wadadaas.
Howlgalka ay Ciidamadan ka sameynayaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Towfiiq iyo Fagax ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo habeen hore ay xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ay Madaafiic ku soo dhaceen, kuwaasi oo dhaawacyo u geystay dad rayid ah oo guryahooda iska hurdayay.
Madaafiicdaas oo dhowr ahaa ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn halka laga soo tuuray, waxayna dadka ku dhaqan xaafadaha ay ku dhaceen ay ku abuureen wel wel aad u faro badan, iyadoo ay xitaa Dadka qaarkood ku kalifeen in ay guryahooda ka cararaan.
Ugu dambeyntiina, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa waxay aalaaba ka sameeyaan xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho howlgallo la sheego in ammaanka lagu sugayo, iyadoo aaney ilaa iyo haatan muuqan wax ay ka bedeleen Xaaladda magaalada Mqudisho oo ammaankeeda uusan hagaagsaneyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia