12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Ciidamada Dowladdu Dadka wey dhacaan waayo saaka ayay iga qaateen Taleefoonkeygii Gacanta

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 09, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xili aan ku sii jeeda  Xafiiska Hiiraan Online ee  Magaalada Muqdisho waxay dhac iigu geysteen agagaarka Xaafadda Geed Jaceyl ee Magaalada Muqdisho, iyagoo iga qaatay Taleefoonkeygii Mobile-ka.

Ciidamadan oo tiradoodu dhameyd lix askari ayaa waxay i istaajiyeen aniga oo dhex socda gudaha Xaafadda Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigley kadib markii aan ka soo leexday Wadada Wadnaha oo aaney saaka gaadiidka iyo dadka isticmaaleynin sabab la xiriirta in Ciidamada Dowladda shalay casir-liiqii halkaas lagu weeraray.

Afar Askari oo ka mid ah Lixdaas askari oo fadhiyay darbi ay hor-marto waddo aan xafiiskeyga ugu socday ayaa markii ay i arkeen igu soo wada orday, waxayna kadib igu amreen in aan gacmaha kor u taago, dabadeedna mid ka mid ah ayaa i baaray, wuxuuna durba la soo baxay Taleefoon Mobile oo jeebka kore ee Shaatiga iigu jiray, waxaa iigu yaab badneyd markii uu askarigii taleefanka jeebkeyga ka soo bixiyay uu igu yiri kala bax kaarka hadalka (SIM Card) meeshan Isgaarsiin looma ogolee, hayeeshee markii uu arkay in aanan dooneyn in aan kaarka kaligiis qaato ayuu ii soo bixiyay Kaarkii, taleefoonkiina uu sidaas iiga qaatay, isagoo leh waxaa taleefoonka kaa qaatay Nin Marqaan ah.

Wax badan ayaan qoray warar aan ka soo xigtay dad ay Ciidamada Dowladda Dhac u geysteen, balse saaka aniga ayay igu timid, waxaana hubanti ah in ay Ciidamadu dadka dhacaan oo aysan istaahilin in Ciidamo Dowladeed laga dhigo, waayo waxba ma dooriyaan maleeshiyooyinkii dadka dhici jiray ka hor lixdii bilood ee ay deegaano badan oo Soomaaliya ka tirsan ay talinayeen Maxkamadihii Islaamka oo xiligii ay talinayeen ay dadku heysteen Nabadgelyo buuxda.

Haatan meeshii looga jeedo Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa Tuutaha qaba iyo kuwa Dharka Cagaaran waa laga cararaa, waxayna dadku uga cararayaan sabab la xiriirta in ay waxyeello ka soo gaarto rasaas ay furaan marka weerarro lagu qaado iyo in ay dhac u geystaan, sawirkaasi ka muuqdana ma ahan mid wanaagsan oo Ciidamo Dowladeed lagu yaqaano.

Dhanka kalena waxaa saaka qasan xaaladda Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana gudaha Suuqa laga maqlayaa qaraxyo iyo is-rasaaseyn dhexmareysa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Waxaa albaabada u laaban yihiin inta badan goobaha ganacsiga, waxaa waddooyinka suuqa dhexmara lagu arkayaa dad marba meel u cararaya, kuwaasi oo gudaha Suuqa ku go’doonsan, halka ay jiraan dad kale oo markii ay Suuqa geli waayeen dib ugu laabtay guryihii ay ka soo shaqo tageen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).