12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo jawaab ka bixiyay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 09, 2007(HOL): Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), kaasi oo ahaa in la soo qabanayo xubnaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

“Maxamed Dheere meesha aan joogno waa ogyahay, mana imaanayo, marka warkaasi uu sheegay waa midkii uu Idaacadaha ka sheegi jiray, wax micno ahna ma lahan”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo intaas ku sii daray in aan sidoo kale la soo qaban karin xubnaha kale ee Golaha Dhaqnka Beelaha Hawiye.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu ka hadlay xariga ay Dowladda Federaalka ku heyso Afhayeenka Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali, wuxuuna sheegay in uu Axmed Diiriye sharci darro ku xiran yahay, isla markaana haddii aan la soo deynin ay taasi dowladda federaalka ku reebi doonto taariikh xumo.

Maxamed Xasan Xaad ayaa mar sii horeysay oo uu la hadlay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho wuxuu sheegay in uu magaalada isaga tegay kadib markii ay soo gaareen hanjabaado dhowr ah oo ku saabsanaa in la dili doono, walow uu ka gaabsaday in uu sheego meesha uu ku sugan yahay.

Hadalka Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu jawaab u ahaa hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar (Maxamed Dheere), kaasi oo ahaa in Xubnaha ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye la soo qaban doono, isagoo weliba carrabka ku dhuftay in ragga la soo xirayo uu ku jiro Maxamed Xasan Xaad oo golahaas madax ka ah.

Maxamed Dheere oo sidoo kael wax laga weydiiyay Xariga Afhayeenka Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in aan arrinta Axmed Diiriye laga hadleynin iyadoo aan la soo qaban xubnaha kale ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, “Axmed Diiriye arrintiisa hadda laga hadli maayo, waxayna ka dambeysaa marka la soo qabto xubnihii kale ee kala tirsanaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye”ayuu yiri Maxamed Dheere  oo u waramayay Idaacadda SIMBA ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntiina, Axmed Diiriye Cali ayaa muddo bil ka badan waxaa uu u xiran yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Golaha Dhaqanka ee uu ka tirsanaa iyo Qoyskiisa iyo Ehelladiisaba ay ugu baaqeen Dowladda in la soo daayo oo xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).