Axad, December 09, 2007(HOL): Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay amarka ay Xukuumadda Somaliland dalka kaga saarayso 24 Suxufi oo reer Muqdisho ah. Isla markaana wuxuu sheegay inay tallaabadaasi sumcad xumo ku keenayso Somaliland, oo ay ahayd inaanay Xukuumaddu xukun guud ku qaadin dhammaantood, balse ay ahayd inay ciddii fal-dembiyeed gashay gaarkeeda ugu qaaddo. Waxaanu ugu baaqay Hay’adaha Qaramada Midoobay inay dadka ka soo baro kacay Muqdisho ee Hargeysa ku sugan ay u aqoonsadaan Qaxoonti rasmi ah.
Guddoomiyaha ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay, amarka ku aaddan Suxufiyiinta reer Muqdisho, arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhici doona, dhawaaqa Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku ay kaga hadashay aqoonsiga Somaliland iyo arrimo kale oo door ah.
Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay arrinta Doorashooyinka Somaliland, waxaanu yidhi, “Sida la wada ogsoon yahay waxa wakhtigii hore ee loo qabtay doorashooyinka ka hadhsan maalmo fara-ku-tiris ah, waxayna seddexda xisbi iyo Komishanka qaranku ku heshiiyeen in la sameeyo diiwaan-gelin, loona raro doorashadaa deegaanada Bisha Juun ee 2008. Ilaa hada majirto talaabo laga qaatay sidii loo waafajin lahaa sharciga wax heer ah oo qeexayaana ma jiro.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, mar uu ka hadlayay amarka ay Xukuumadda Somaliland ku soo rogtay 24 Suxufi oo reer Muqdisho ah, oo ay ku amartay inay muddo 5 maalmood gudahood ah kaga baxaan Somaliland. Iyaga oo ku eedeeyay inay ku tallaabsadeen waxyaabo ka dhan ah Xidhiidhada u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya. “Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu ka xun yahay amarka uu soo saaray taliyaha ciidanka booliska Somaliland ee lagu mustaafurinayo 24 Suxufi oo reer Somalia ah nabad gelyo awgeedna u joogay dalka Somaliland, kana soo qaxay Soomaaliyada dagaaladu aafeeyeen soona maciin biday nabad gelyada Somaliland.
Hadaba iyada xukuumaddu u xil saaran tahay amniga dalka, may ahayn wadar ciqaabeed in ay sameyso (collective punishment), ee waxa ay ahayd marka ay xaqiijiso fal-danbiyeedka in ay ku qaado cidii geeysatay mar siisana waxay mudanyihiin inta falka geeysatay.” Ayuu ydihi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Guddoomiyuhu, “Waxa aanu ka codsanaynaa Hay’adaha caalamiga sida UNHCR-ta in ay aqoonsadaan dadka qaxoontiga ah ee ka soo bara kacay Somaliyada dagaalku aafeeyey culayskan ay ka qaadaan dawlada Somaliland. Arintaas waxay keeni kartaa sumcad xumo iyo magac dil Jamhuuriyadda Somaliland oo ka timaada dhinaca xuquuqa insaanka. Waxa kale oo aan qabnaa in ay yihiin suxufiyintaasi dad qaxoontiya oo ay ahayd in la dhawro xuquuqda qaxoontinimo iyo ixtiraamkeeda.”
Dhinaca kale, Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay arigtadooda Xisbi ahaan ku wajahan dhawaaqa ka soo yeedhay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland. Waxaanu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay ka faa’iidaysato. “Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka (UCID) waxa uu si xoogan u taageerayaa una soo dhaweeynayaa dhawaaqii ka soo baxay Pentagon ee ahaa in ay dawlada maraynkanku ictiraafto gooni isutaaga Somaliland. Waxaanu dawlada Somaliland ku boorinaynaa in ay ka faa’iidaysato niyad wanaaga dawlada Maraynka lana timaado dedaal iyo siyaasadii ay ku hanan lahayd kalsoonida bulshada caalamka…Waxa aanu ugu baaqanaa dawladaha reer galbeedka in ay raacaan dariiqaa dawlada Maraykan (Pentagon).
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland