Sabti, December 08, 2007(HOL): Dagaallo ku saleysan Aargoosi Qabiil iyo muran dhinaca deegaanka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhiteen in ka badan 14 Ruuux sida ay HOL u xaqiijiyeen Odayaal iyo wax-garad ka kala tirsan Beelaha Colaadu u dhaxeyaso oo ku sugan Magaalada Beledweye.
Dhinacyada dagaalku dhax maray oo ka soo wada jeeda Beesha Gaal-jecel ayaa hada bilaabay dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhax oogan si markaa loo baajiyo dagaal danbe oo dhaca.
Odayaasha dhaqanka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhaxe ayaa lagu soo waramayaa in qaarkood gaareen Deegaannada Mukeyle iyo Shaw oo ah halka dagaaladii ugu darnaa ka dhaceen, waxaana lagu wadaa in Maalmaha soo socda la bilaabo wada-hadallo lagu dhax-dhaxaadinayo labada dhinac ee colaadda u dhaxeyso.
Tirada dadka ku dhintay Dagaallada labada Beelood ayaa ah kuwii ugu badnaa ee ku dhinta Deegaanada Mukeyle iyo Shaw sida HOL uu u sheegay Nabadoon C/dule Jimcaale oo intaasku daray in dadka dhintay u badnaayeen dad xoola dhaqato ah oo aan warba u heynin waxyaabaha laysku hayo.
Inkastoo uu jiro dadaal la doonayo in lagu soo af-jaro colaadda labada dhinac ayaa hadana waxaa la oran karaa ma aha wax sahlan in si fudud loo heshiisiiyo Labada beelood ah kuwo daaq iyo deegaan wadaag ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia