11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka baxay Isbitaalkii uu ku jiray, kuna sii jeeda Magaalada London

- Advertisement -spot_imgspot_img

MADAXWEYNE YUUSUF: “Qaar ka mid ah Joornaalistayaasha ayaa Adduunka u sheegay in aan mar hore dhintay, laakin hadda waad i aragtaa, waxaana u maleynayaa in ay tani caddeyn u tahay in ay been sheegeen”

Jimco,December 07, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu goor dhaweyd ka baxay Isbitaal uu ku jiray oo ku yaala Magaalada Nairbi ee dalka Kenya, kaasi oo muddo seddex maalmood ah lagu daweynayay.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo da’diisa lagu sheego 72 sano, isla makraana 13 sano ka hor lagu tallaalay Beerka Wiil dhowr iyo labaatan Jir ah oo Britain u dhashay ayaa wuxuu sheegay in haatan uu caafimaddkiisa wanaagsan yahay, isla markaana kaliya laga daweeyay xanuun Burukiito ah oo uu qabay.

“Waxaan qabay bronchitis, laakin hadda waan fiicanahay, dhaqtarkeygana wuxuu ii sheegay in aan aadi karo safarkii aan ugu socday Magaalada London ee Dalka Ingiriiska”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Wariye BBC-da  ka tirsan oo ku sugan Nairobi oo lagu magacaabo Anne Mawathe ayaa sheegtay in ay aragtay Madaxweynaha oo Isbitaalka gudahiisa lagula wado kursiga lugaha leh ee lagu kaxeeyo Dadka Bukaannada ah ee aan socon karin, balse Dr Mauro Sio oo ah Dhaqtarka Madaxweynaha 17-kii sano ee la soo dhaafay ayaa sheegay in madaxweynaha xaalkiisa uu wanaagsan yahay, isla markaana Raajo (X-Ray)  la saaray ay caddeeyeen inuu caafimaadkiisa wanaagsan yahay.

Dr Mauro Sio waxaa uu sheegay in aysan qarsoodi ahayn in madaxweyne Yusuuf 13 sano ka hor lagu tallalay beer qof kale, haatanna uu Magaalada London ugu socdo baaris caadi ah oo dhinaca Beerkiisa ah, taasi oo uu sameeyo markii uu cabaar joogaba.

SI kastaba arrintu ha ahaatee, maalmihii aynu ka soo gudubnay ayay Wakaaladaha Wararka Caalamka qaarkood iyo Warbaahinta Soomaalida ay sheegayeen warar ku saabsan in xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Yuusuf ay tahay mid aan hagaagsaneyn, balse haatan waxaa muuqaneysa in uu wanaagsan yahay Caafimaadka Madaxweynaha, sida uu dhaqtarkiisa Nairobi sheegayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).