Jimco,December 07, 2007(HOL): Waxaa saaka ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho mid ka mid ah Guddoomiye ku xigeennadii Gobolka Banaadir oo ah C/llaahi Xasan Ganey (Firimi) kaasi oo maalmahan xanuunsanaa.
Marxuumka ayaa wuxuu u geeriyooday xanuun uu beryahan la il-darnaa, waxaana geeridiisa xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali oo saxaafadda u waramay.
Marxuum C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa wuxuu maamulka Gobolka Banaadir ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinacyada Siyaasadda iyo Dib u heshiisiinta, wuxuuna ahaa mas’uul si weyn looga yaqaanay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo isna ka hadlay geerida ku timid C/llaahi Firimbi ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa mas’uul howl muhiim ah u hayay Gobolka Banaadir, wuxuuna xusay in loo sameyn doono aas Qaran, sidoo kalena maamulka Gobolka Banaadir uu sameeyn doono hal maalin oo baroor-diiq ah.
C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo ka tirsanaan jiray Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu la soo shaqeeyay Maamulkii Gobolka Banaadir ee Dowladdii TNG-da, isagoo soo noqday Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka, haatanna wuxuu ka tirsanaa Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia