11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Magaalada Baydhabo oo xalay Bandow ku jirtay kadib qaraxyo shalay ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco,December 07, 2007(HOL):  Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo ay shalay ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday Gaadiid ay wateen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xafiiska Dowladda Hoose ee Magaalada Baydhbo ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku jirtay bandow.
 
Ciidamo Boolis ah oo aad u tiro badan ayaa xalay lagu arkayay gudaha Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo dadka ku amrayay in ay guryahooda galaan, isla markaana ay xiraan goobahooda ganacsiga, iyadoo bandowgaasna uu bilowday 7-dii Fiidnimo.

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Bay, ahna Taliyaha Ciidamada Booliska Qeybta Baydhabo Jen. Aadan Xaashi Gaabow ayaa sheegay in bandowga lagu soo rogay magaalada Baydhabo uu yahay mid ammaanka lagu sugayo, isla markaana lagula dagaalamayo kooxaha falalka nabadgelyo darrada ah ka wada magaaladaas.

Jen. Aadan Gaabow waxaa uu intaas ku daray in qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo ay ahaayeen kuwo laga soo xawilay Magaalada Muqdisho oo ay muddooyinkan ka jireen falal nabadgelyo darro ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay haatan dadaal ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Ammaanka Magaalada Baydhabo oo weli fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxay geesteen dhimashada haweeney Rayid ah iyo dhaawaca 8 ruux oo uu ku jiro Nin loo heysto in uu ka dambeeyay Miino loo dhigay Gaadiid ay wateen Ciidamada Itoobiyaanka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa tan iyo markii ay fariisinka ka dhigatay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka dhacay qaraxyo waa weyn iyo dilal loo geystay dad rayid ah iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deerow Isaaq.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).