11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Wada hadallo lagu heshiisiinayo guddoomiye ku xigeennada Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Jowhar ka socda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco,December 07, 2007(HOL): Wada hadallo lagu heshiisiinayo Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhawaan maleeshiyooyin u daacad ah uu dagaal dhexmaray ayaa waxaa uu ka socdaa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolkaas.
 
Mas’uuliyiin ka socda maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa waxay magaalada Jowhar u joogaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen  khilaafka soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir.

Waxaa lagu soo waramayaa in wada hadallada lagu heshiinayo labada guddoomiye ay meel wanaagsan marayaan, isla markaana lagu wado in la heshiisiiyo Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) iyo Axmed Cumar Xabeeb (Axmed Jaandhaay), kuwaasi oo maleeshiyooyin u kala daacad uu dagaal ku dhexmaray gudaha magaalada Jowhar.

Dagaalkii dhexmaray labada maleeshiyo ee guddoomiye ku xigeennada oo salka ku hayay lacag canshuur ah oo ay la goosatay mid ka mid ah maleeshiyooyinka dagaalamay ayaa aakirkii waxaa looga itaal roonaaday maleeshooyinkii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka Xuseen Dheere, taasi oo magaalada banaanka looga saaray.

Wada hadallada lagu dhexdhexaadinayo Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sidoo kale waxaa wax ka wada Odayaal ka soo jeeda Beesha Mudulood, kuwaasi oo kala ah Xuseen Shiikh Axmed Kadare, Shiikh Muudeey Gacal iyo kuwo kale, waxayna wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Jowhar ay sheegayaan in lagu guuleystay in la xaliyo khilaafkii jiray.

Dagaalka dhexmaray Maleeshiyooyinka guddoomiye ku xigeennada Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku geeriyooday labo maleeshiyo ah, waxaana ku dhaawacmay dad 10 ruux ka badan oo isugu jiray maleeshiyooyinkii dagaalamayay iyo weliba dad rayid ah oo ka dhawaa halka uu dagaalka ka dhacay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).