12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Qarax Xooggan oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 06, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu saaka halkaas ka dhacay qaraxa xooggan oo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay wadada u dhaxeysa Buundada Isha Baydhabo iyo Hotel Edan.
 
Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay qaraxaas, waxaana goobta qaraxa ka dhacay isku gadaamay Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo dadkii deegaankaas ka dhawaa rasaas ku kala eryay.

Qaraxan oo dhawaqiisa laga maqlay magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda ayaan wuxuu ahaa mid dhulka lagu aasay oo loo adeegsaday Miinada nooca gacanta laga hago, sida ay ku warameen goob-joogayaal aan kala xiriirnay magaalada Baydhabo.

Muddo 30 daqiiqo ah ayay Ciidamada Itoobiyaanka u xirneyd halkii lagu qarxiyay, iyadoo gebi ahaanna halkaas laga joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxayna taasi dad badan ku fasireen in ay Ciidamada Itoobiyaanka diidanayeen in la ogaado khasaaraha uu qaraxaas u geystay.

Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Baydhabo naga soo gaarayna waxay sheegayaan in xaalka uu haatan degan yahay, isal markaana uu dib u bilowday isu socodka  Dadka iyo Gaadiidka Wadada isku xirta Buundada Isha Baydhabo iyo Hotelka Edan oo isu jira wax aan badneyn.

Ma ahan qaraxii ugu horeeyay ee lala beegsado Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Baydhabo, dhawaan ayayna ahayad markii qarax xooggan oo loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qabsaday Xarunta Warshaddii Oomada ee Avv. Xasey, taasi oo ku taala halka laga galo Magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi Ciidamada Itoobiyaanka ku soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiyaanka ayaa tan iyo markii ay yimaadeen Dalka Soomaaliya waxaa lala beegsadaa qaraxyo iyo iska hor-imaadyo hubeysan, kuwaasi oo ay ku qaadaan Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).