Talaado, December 04, 2007(HOL): Waxaa la qaaday xayiraad ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo rogtay Garoomada iyo Dekeddaha gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay arrintaas ka wada hadleen madaxda Gobolka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dr. C/qaadir Shiikh Maxamed Nuur ayaa sheegay in kadib markii uu soo baxay amarka lagu xayiray howlihii Dekedaha iyo Garoomada Gobolka ay xiriir la sameeyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), kaasi oo uu sheegay in ay wada hadal kadib isku af-garteen in wixii qaladaad ah oo laga tabanayo gobolka la saxo, isla markaana ay sii socdaan howlihii laga joojiyay Garoomada iyo Dekedaha Gobolka.
Amar ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed Jen. Maxamed Warsame Darwiish oo ruqsad ka heystay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xayiray Howlihii ka socday Garoomada iyo Dekedaha ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose.
Amarka lagu joojiyay Howlaha Garoomada iyo Dekedaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Labo Markab oo raashin mucaawino ah wada ay ku xiran yihiin Dekedda Macmalka ah ee Marka, kuwaasi oo u raran Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo dhinaca Bani’aadannimada qaabilsan ayaa dhawaan waxay ka soo degeen garoonka No. 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo kadibna socdaal indha-indheyn ah ku tegay Dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku sugan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo wafdigaasna markii uu booqashadiisa dhameystay uu ka dhoofay isla garoonkii uu ka soo degay ee No. 50.
Sidoo kalena, Dekedda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa haatan waxaa ku xiran Labo Markab oo raashin Mucaawino ah ay ku raran yihiin, iyadoo dhawaan-na ay halkaas raashin ku dejiyeen isla labadan Markab oo lagu kala magacaabo M.V Rosen iyo M.V. Samlow.
Ugu dambeyntiina, Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ku nool Dad ka barakacay dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho iyo Dad kale oo soo bakaracay kadib markii uu deegaanadoodii ku fatahay Webiga Shabeelle, waxaana xusid mudan in ay dadkaas u badan yihiin gagaar deg deg ah oo lala soo gaaro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia