12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Itoobiya oo Beesha Caalamka ka codsatay in ay gacan ka geysato sidii Ciidamo ka socda Midowga Afrika loo geyn lahaa Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 05, 2007(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa waxay beesha caalamka ka codsatay in ay gacan ka geysato sidii Ciidamo ka socda Dalalka Midowga Afrika loo geyn lahaa Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay ka baaqsatay in ay dhaqaale ku taageerto dalalka Midowga Afrika ee ballanqaaday in ay Soomaaliya u dirayaan Ciidamadooda, taasina ay keentay in ay Itoobiya kali ku noqoto soo celinta Nabadda Soomaaliya.

Wasaxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maanta Magaalada Addis Ababa uu ka furmay Shir looga hadlayo Xaaladaha Dalalka D.R Congo, Soomaaliya iyo Suudaan, kaasi oo ay weliba ka qeybgeleyso Haweeneyda Xoghayaha Arrimaha Dibadda ka ah Mareykanka Dr. Condoleezza Rice.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay sugeysay in Ciidamo ka socda Midowga Afrika loo soo diro Soomaaliya, hayeeshee taasi aysan suurtagelin, ilaa iyo haatanna ay Soomaaliya Ciidamo u dirtay Dowladda Uganda oo kaliya.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa dhawaan mar uu la hadlayay Baarlamaanka Dalkiisa waxaa uu sheegay in sababta ay Ciidamadiisa u sii joogaan Soomaaliya ay tahay iyadoo aaney Dalalka Midowga Afrika Ciidamo u dirin Soomaaliya, isla markaana aysan Beesha Caalamka dooneynin in ay dhaqaale ku bixiso Ciidamadaas.

Meles Zenawi  waxaa uu sheegay in Ciidamadiisa uu Soomaaliya kala baxayo mar kasta oo Ciidamo bedela Ciidamadiisa la geeyo Soomaaliya, wuxuuna mas’uuliyad darro ku tilmaamay in uu Ciidamadiisa ka saaro Soomaaliya sida uu yiri  iyadoo ku sugan xaaladda ay hadda ku jirto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).