12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in Xukuumaddiisa ay sameyneyso Dib u heshiisiin buuxda oo laga wada qeybgalo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 05, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo u waramayay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay sameyn doonto dib u heshiisiin buuxda oo laga wada qeybgalo, isagoo carrabka ku dhuftay in shirkii dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho ee dib u heshiisiinta uu ahaa mid aan loo wada dhameyn oo ay jireen oo dad badan oo aan laga qeybgelin.
 
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in uu qorsheynayo in uu wada hadallo la galo Mucaaradka Dowladdiisa, isla markaana ay ka wada hadlaan waxyaabaha ay tabanayaan haddii ay ahaan lahaayeen in ay dhaliilsan yihiin waxqabadka Dowladda iyo haddii ay ahaan lahayd in ay dhaliilsan yihiin qaabka awood qeybsiga.

“Tallaabada ugu horeyso ee aan qaadeyno ee xagga Dib u heshiinta waa mid loo dhan yahay oo dhamaan dalka lagu fidinayo oo lagula hadlayo mucaaradka Dowladda” ayuu yiri Nuur Cadde oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay is-qanciyaan Mucaaradka Dowladda ka soo horjeeda.

“Qofka kasta oo mucaarad ah wuxuu xaq u leeyahay in fikraddiisa la tixgeliyo oo la dhegeysto, haddii ay taladiisa wanaagsan tahayna la qaato, haddii aysan wanaagsaneyn-na laga qanciyo”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Ra’iisal Nuur Cadde oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo xubnaha iska casilay Xukuumaddii uu soo dhisay waxaa uu sheegay in uusan taasi dhib weyn u arkeynin, isla markaana ay dadka wax saluugi karaan, wuxuuna taasina ku tilmaamay mid iska caadi ah oo ka mid ah geedi-socodka Xukuumad dhismeedka.

Wuxuu rajeeyay in Xukuumaddiisa ay Baarlamaanka kalsooni ka heli doonto, isla markaana ay howsheeda gudan doonto, isagoo caddeeyay in waxyaabaha ugu weyn ee Xukuumaddiisa horyaala ay yihiin Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu iska fogeeyay in Xukuumadda uu soo dhisay uu wax ka soo magacaabay madaxweyne C/llaahi Yuusuf bacdamaa ay Xukuumadda soo galeen Wasiiro taageersanaa Madaxweynaha markii uu jiray khilaafkii dhexmaray Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, “Xukuumadda soo dhisitaankeeda aniga ayaa leh, madaxweynahana wuxuu kaliya ku lahaa talo”ayuuna yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii loo magacaabay Xilka Ra’iisal Wasaarenimada waxaa uu sheegay in uu soo dhisi doono Xukuumad tiro yar oo tayo leh oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka samatabixin karta dhibaatada ay ku jiraan, hayeeshee waxaan ilaa iyo haatan meesha  looga jeedin tayada ay leedahay Xukuumadda uu soo dhisay oo xubnaheeda ay u badan yihiin Xukuumaddii hore ee Ra’iisal Wasaare Geeddi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).