Talaado, December 04, 2007(HOL): Dad badan ayaa maanta waxay ka barakaceen Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo u badan Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah.
Dadka ka barakacay Xaafadaha Degmada Huriwaa, gaar ahaan Deegaannada Suuqa Xoolaha, SOS iyo Ex-Koontarool Balcad ayaa waxay sheegeen in ay barakacooda sabab u yihiin Madaafiic BM ah oo ay shalay Ciidamada Itoobiya ku garaaceen xaafadahooda, waxayna sheegeen in ay madaafiicdaas u geysteen khasaare naf iyo maal isugu jirta.
Shukri Shiikh Warsame oo ka mid ah Dadka ka barakacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa waxay sheegtay in qoyskeeda oo ka kooban 15 Ruux ay go’aansadeen in ay ka cararaan madaafiicdaas, isla markaana ay tagaan meel ay nafsaddooda nabadgelyo ku heleyso, iyadoo xustay in aysan jirin meel haatan u qorsheysan oo ay aadayaan iyada iyo Qoyskeeda.
Barakaca ku yimid dadkani ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Xaafado kale oo ka tirsan Degmada Huriwaa uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo dagaalkaasna ay Ciidamada Itoobiyaanka ku adeegsadeen Madaafiic culus oo uu BM ku jiro.
Dagaalkaas ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay Deegaanka Suuqa Xoolaha shalay tageen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ay la socdeen kuwo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo doonayay in ay halkaas howlgallo ka sameeyaan, hayeeshee intii aysan howlgallada bilaabin weerar kala kulmay Kooxo hubeysan oo halkaas ku sugnaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia