13 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Madaxa Gargaarka Deg Dega ah ee Qaramada Midoobay oo ka deyriyay Xaaladda Nololeed ee Dadka ka barakacay Dagaallada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 04, 2007(HOL): John Holmes oo ah Madaxa Gar gaarka Deg dega ah ee QM ayaa wareysi uu siyaay  BBCda qeybteeda dibada la hadasha (BBC World Service) waxaa uu kaga hadlay xaaladda Bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xalaada noleed dadka ka barakacay dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Caasimada Muqdisho kuwaasoo daadsan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho.
 
Madaxa Arimaha Gar-gaaka ee QM waxaa uu sheegay in dad dhan 20,000 oo ruux ay la soo daristay xaalada Bani’aadanimo tii ugu darneyd maadaama sida uu sheegay John Holmes ilaa hadda aysan helin kaalmo ku filan, waayo ayuu yiri xaalada Nabad-galyo xumo ee jirta ayaa ah mid aan suutagal ka dhigi  karin in hay’aduhu gaarsiiyaan kaalmadii loo baahnaa.
 
Waxaa kaloo uu sheegay in wareysi uu la yeeshay Qoysaska qaar ay u sheegeen in  ay jeclaan lahaayeen mar uun in ay dib ugu laabtaan hoygoodii taasoo ku imin karta ayuu yiri in laga shaqeeyo dib u hishiisiinta si markaa loo joojiyo isku dhacyada ka jira Caasimada Muqdisho.
 
Mar uu is-bar-bar dhigay xaaladda Bani’aadannimo ee ka taagan Gobalka Darfur ee dalka Suudan iyo tan ka jirta dalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in tan hada ka taagan Soomaaliya tahay mid ka culus tan heysta dadka Reer Daar-fuur, waayo  shacabka Soomaalidu ma’heystaan ayuu yiri kaalmo ku filan.
 
“Weynu is aragnay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cade, waxaadna mooddaa in uu yahay mas’uul la socda xaaladda adag ee heysta dadka ka barakacay dirirta Muqdihso, waxaana uu balan qaaday in dowladda gacan ka geysan doonto sidii dadkaasi loo gar gaari lahaa” ayuu Yiri John Holmes  oo dhinaca kale ku tilmaamay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nin wax badan kala socda xaaladda Bani’aadanimo ee jirta Maadaama ayuu yiri uu ahaa Mas’uul wax badan ka soo shaqeeyay hay’adaha gar gaarka.
 
Waxaa uu sheegay Mr. Holmes in loo baahan yahay saacidaad deg deg ah in la siiyo dadka ku tabaaleysan inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho, si markaa hoos loogu dhigay dhibaatada heerka caalami ah ee la soo daristay Qoysaska Soomaaliyeed.
 
Dhawaan ayay aheyd markii Human Rights Watch soo saartay warbixin ay kaga hadleyso xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay Hay’addu in ay tahay tii ugu xumeyd ee soo marta Wadamada Qaarada Africa.
 
Qoysaska ka firxaday Dagaallada Muqdisho ayaa waxay isugu jriaan kuwa ku dhabaateysan inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye iyo weliba Goballada Bartamaha Soomaaliya, waxayna dadkaasi ku sugan xaalad nolol xumo ah, iyadoo aysan jirin cid muuqata oo haatan gurmad u fidineysa.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).