Isniin, December 03, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu so dhisay Xukuumad ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 Wasiirr, 31 Wasiir ku xigeen iyo 11 Wasiiru-Dowle.
Xubnaha Xukuumaddan ayaa intooda badan waxay yihiin kuwo ku jiray Xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, walow ay u badan yihiin kuwii taageersanaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii ay is-khilaafeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihii hore.
Xubnaha ku jiray Xukuumaddii hore ee ku fikirka ahaa Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa kaliya ka soo laabtay Salaad Cali Jeelle oo mar kale loo daayay xilkiisii ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, halka aysan Xukuumaddan soo gelin C/llaahi Shiikh Ismaaciil oo ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Mowliid Macaani oo ahaa Wasiirkii Isboortiga iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isna ahaa Wasiirkii Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha.
Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxay inta badan ka timid Baarlamaanka gudahiisa, waxaana baarlamaanka dibaddiisa ka yimid xubno yar oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cali Xaamud oo ah nin la soo shaqeeyay dowladdii hore ee Mileteriga iyo weliba Dowladdii KMG ahayd ee Cali Mahdi Maxamed.
Dad badan oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay Xukuumaddan u arkayaan mid aan wax badan ka duwaneyn tii uu hoggaaminayay Prof. Cali Maxamed Geeddi, inkastoo ay sheegayaan in waxa is-bedelka keeni kara ay yihiin qorshaha ay Xukuumadda la timaado, isla markaana Wasiirka oo soo noqdaa aysan wax dhibaato ah keeneynin.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii loo magacaabay Xilka Ra’iisal Wasaarenimada waxaa uu sheegay in uu soo dhisi doono Xukuumad tiro yar oo tayo leh oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka samatabixin karta dhibaatada ay ku jiraan, hayeeshee waxaan ilaa iyo haatan loo jeedin meesha ay tayada ka leedahay Xukuumadda uu soo dhisay oo u badan Xukuumaddii hore.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xukuumaddan 73-ka Xubnood ka kooban ayaa la hor-geynayaa Baarlamaanka Soomaaliya si uu codka kalsoonida u siiyo, iyadoo marka ay kalsoonida hesho kadibna laga sugayo in ay la timaado waxqabadka uu Ra’iisal Wasaaraheeda horay u sheegay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia