12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Ciidamo ka wada tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo saaka ku dagaalamay Magaalada Jowhar

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 29, 2007(HOL): Magaalada Jowhar ee caasimadda u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saaka aroortii waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan maamulka ka arimiya Gobolkaas.
 
Ciidamada uu dagaalka dhexmaray oo kala taabacsan Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Shabeelaha Dhexe ee kala ah Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) iyo Axmed Cumar Jaan-dhaay ayaa wuxuu salka ku hayaa muran ka dhashay lacag canshuur ahaan looga soo qaaday bar koontarool oo ku taala dhanka Koofureed ee Magaalada Jowhar.

Lacagta canshuurta ah ee keentay dagaalka ayaa la sheegay in ay dhan tahay 25 Milyan Shillin Soomaali ah, taasi oo ay qaateen Ciidamadii soo qaaday oo laga doonayay in ay ku wareejiyaan lacag-hayayaasha Maamulka Gobolka.

Inta la ogyahay hal askari oo ka tirsan Ciidamadii dagaalamayay ayaa geeriyooday, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in khasaaraha dagaalka uu intaas ka badan yahay.

Dagaalka oo ka dhacay agagaaraha guriga Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Isbitaalka Magaalada Jowhar  oo saaka ay geli waayay shaqaalihii Isbitaalka, iyadoo sidoo kalena ay suurtageli weysay in Isbitaalka la geeyo dad ku dhaawacmay rasaas habow ah oo guryahooda ugu tagtay.

Sidoo kalena dagaalka oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar, kuwaasi oo qaarkood u baro-kacay Tuulooyinka u dhow Magaalada, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay sidoo kale dagaalka ku sii barakaceen dad ka cararayay dhibaatooyinka Muqdisho, kuwaasi oo deganaa xero u dhow halka uu dagaalka ka qarxay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalka ka qarxay magaalada Jowhar ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo shan sanadood ka badan aysan wax dagaallo ah oo heerkan gaarsiisan ka dhicin, iyadoo mudadaas shanta sano ahna uu halkaas ka talinayay maamulkii uu madaxda ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo hadda ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).