12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Labo Nin oo maanta lagu toogtay Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 02, 2007(HOL): Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxaa lagu dilay inta u dhaxeysa Waddooyinka koowaad iyo labaad ee Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan dhabarka dambe ee Carwada City Center.

Labada nin ee la dilay ayaa la sheegay in ay ahaayeen Nin dhulka Goofafka ah ka ganacsada iyo Darawal gaari ku kaxeynayay, ilaa iyo haatanna lama oga sababtii rasmiga ahayd ee raggaas loo dilay.

Goob-jooge ka dhawaa halka uu dilka ka dhacay, isla markaana magaciisa qariyay ayaa sheegay in ninka dhulka goofafka ah ka ganacsada lagu magacaabo Maxamuud Xaashi, halka Darawalkana uu magaciisa ku soo gaabiyay Ganey.

Labada Nin ee saaka lagu toogtay Suuqa Bakaaraha ayaa markii la dilayay waxay saarnaayeen Gaari ay wateen oo Mark II ah, iyagoo xiligaasina doonayay in ay galaan Nootaayo ku taala agagaarka halka lagu dilay.

Dilka loo geystay labadan nin ayaa wuxuu si weyn u qal-qal geliyay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan goobaha ganacsi ee u dhow halka uu dilka ka dhacay, waxaana la arkayay dad badan oo goobahooda ganacsi xiray, kuwaasi oo ka baqayay in ay halkaas tagaan Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Suuqa oo sida looga bartay marka ay tagaan goobaha ay ka dhacaan falalka ceynkan oo kale ah dadka rasaas ku kala erya ama kaxeysta.

Shalay ayay ahayd markii uu sidoo kale qasmay ammaanka Suuqa Bakaaraha kadib markii Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha lagu weeraray gaari ay la socdeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Weerarkaas iyo Rasaas ka dambeysay ay waxyeello ka soo gaartay Ciidamadii la weeraray iyo Dad Rayid ah oo jidka marayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).