12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo howlgallo ka wada Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay xalay iska hor-imaadyo ka dhaceen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 02, 2007(HOL): Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa saaka waxay howlgallo ka wadaan xaafado ka mid ah Degmooyinka Huriwaa iyo  Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir oo xalay ay ka dhaceen iska hor-imaadyo hubeysan.
 
Howlgalka ay Ciidamada ka sameynayaan xaafadaha ka tirsan Degmooyinkan ayaa waxaa lagu qab-qabtay dhalinyaro badan oo ay saaka guryahooda ugu galeen Ciidamada, waxayna dad ku sugan xaafadaha ay howlgallada ka dhaceen ay sheegeen in ay arkayeen dhalinyaro badan oo indhaha ka xiran, kuwaasi oo ay gaadiid sii saarayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Howlgalka ay Ciidamadan sameynayaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii xalay weerar madaafiic hoobiyayaal ah loo adeegsaday lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin agagaarka Hotel Gurguurte ee degmada Yaaqshiid, iyadoo halkaasina xalay saqdii dhexe laga maqlayay madaafiic iyo rasaas xooggan oo la is-weydaarsanayay.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa marka fariisimadooda la weeraro waxay sameeyaan howlgallo ay dad ku qab-qabtaan, kuwaasi oo la sheego in ammaanka lagu sugayo.

Sidoo kalena, Deegaanka Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ayaa saaka waxaa iyana ka socda howlgallo ay sameynayaan Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira, waxaana la sheegay in ay sidoo kale xalay halkaas ka dhaceen weerarro lagu qaaday fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan agagaarka Isgoyska Al-Baraka ee magaalada Muqdisho ayaa xalay  waxay  toogteen labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo la sheegay in ay ku soo dhex dhaceen meel ay joogeen fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).