12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Gaari uu leeyahay Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Banaadir oo Miino loo dhigay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 02, 2007(HOL): Indhawaalaba xaaladda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay ahayd mid ay ka dhacayeen qaraxyo, dilal iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
 
Xalay fiidkii ayaa gaari uu leeyahay Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Banaadir G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise waxaa loo dhigay Miino nooca gacanta laga hago ah, inkastoo aysan miinada waxyeelin gaariga iyo ciidankii saarnaa.

Taliye ku xigeenka oo qaraxaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gaarigiisa oo uusan la socon balse ay saarnaayeen ilaaladiisa Miino loogu dhigay inta u dhaxeysa  Saldhigga Galbeed iyo Deegaanka Xoosh, wuxuuna caddeeyay in ay halkaas waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa halka miinada lagu aasay.

G/lle dhexe C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu sheegay in kooxihii falkaas ka dambeeyay ay ahaayeen sida uu hadalka u yiri kuwo arxan laawayaal ah oo aan u naxeynin dadka ku dhaqan halka ay miinada ku aaseen, wuxuuna intaas ku sii daray in deegaanka Miinada loogu aasay gaarigiisa ay ku badan yihiin dad ka soo barakacay Degmooyin kale oo ka mid ah gobolka Banaadir.

“Kooxaha Miinadaas dhigay waxaan u arkaa in ay yihiin kuwo doonaya in ay sii barakiciyaan dadka u qaxay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley waayo meeshii ay nabadgelyada u raadsadeen ayay qaraxyadii uga daba-geeyeen”ayuu yiri G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise.

Weerarka miinada loo adeegsaday ee lagu qaaday gaariga Taliye ku xigeenka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gelinkii dambe bambooyinka gacanta lagu tuuro lagu weeraray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo halkaasina ay waxyeello xooggan ka soo gaartay Ciidamadii la weeraray iyo weliba labo wiil oo da’ooda ka hooseysay 10 sano, kuwaasi oo ku geeriyooday qaraxyadii lala beegsaday Askartaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).