10.9 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Xisaabiyihii guud ee Qaranka Somaliland oo xilkii laga qaaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 30, 2007(HOL): Xisaabiyihii guud ee Qaranka Maxamuud  Axmed Ducaale (Dhagaxtuur), ayaa la sheegay inuu shalay xilkii u tiriyay ku xigeenkiisii, ka dib markii sida la sheegay uu Madaxweyne Rayaale xilkii ka qaaday.

Sida ay baahisay Idaacada Radio Horyaal waxa Jagada Xisaabiyaha guud xilkeedii loo tiriyay masuul kale oo magaciisa lagu sheegay Bile, kaas oo sida warku sheegay ahaa ku xigeenka Xisaabiyaha guud.  Isla markaana waxa uu warku intaa ku daray, in la kala wareegida xill ee labada masuul  ay goob-joog ka ahaayeen madaxda Wasaaradda Maaliyada qaarkood.

Ma jiro wax war ah oo Saxaafada loogu talagalay, oo si toos ah uga soo baxay dhinacyada ay khusayso, oo muujinaya tafaasiisha warkaas ay baahisay Idaacadu. Sidoo kale ma jiraan warar max-banaan oo iftiiminaya sababaha horseeday eriga Xisaabiyihii guud.
 
Barkhad M. Kaariye    Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).