Khamiis, November 29, 2007(HOL): Dowladda Burundi ayaa ciidamo nabad ilaaliyayaal ah waxay muddo labo todobaad gudahood ah ugu direysaa Caasimadda Xabadda iyo Qaraxyada laga baqo ee Soomaaliya.
Saraakiil Ciidan oo ka socda Dowladda Burundi ayaa waxay booqasho ku tageen Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo indha-indheynaya xaaladda magaalada Muqdisho iyo meelaha ay Ciidamadooda degi karaan.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Maj. Felix Kulayigye ayaa sheegay in Saraakiisha ka socday Burundi ee Muqdisho booqday ay ujeedada socdaalkooda ahayd sidii ay farsamo ahaan ugu sii diyaarin lahaayeen 1,700 Askari oo ka socda Dalkooda.
Dhanka kalena, Madaxa Howlgallada iyo Tababarrada Ciidamada Uganda Brig. Silver Kayemba ayaa sheegay in ay Uganda Soomaaliya u soo direyso Ciidamo ku hadla Luuqadda Faransiiska, kuwaasi oo Ciidamada Burundi u fududeyn doona howlgallada ay Muqdisho ka fulinayaan.
“Dhamaadka Todobaadkan ayay Ciidamada Burundi nagula soo biiri doonaan howgallada nabad ilaalinta ah ee aan u joogno Soomaaliya”ayuu yiri Brig. Silver Kayemba oo ka hadlayay xaflad qalan-jebin ah oo ay Ciidamada Uganda kaga baxayeen Machad ay Luuqadda Faransiiska ku barteen oo ku yaala Magaalada Kampala.
Diyaarad waday qalab mileteri ayaa dhawaan waxay gaartay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasi oo la sheegay in ay Qalab kala duwan u waday Ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi ee Soomaaliya loo soo wado.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Burundi ayaa Ciidamadeeda Soomaaliya u soo direysa xili ay Hoggaamiyayaal u hadlay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay sheegeen in ay Ciidamada Mareykanka,Itoobiya, Uganda iyo kuwa la soo wado ay isugu mid yihiin, isla markaana ay la dagaalami doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia