10.9 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Agaasimihii Shirkadda Isgaarsiinta NationLink ee Degmada Balcad oo la dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 29, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaas saaka  lagu dilay Agaasimihii Shirkadda NationLink ee Degmada Balcad oo la oran jiray Axmed Xasan Koofi.
 
Afhayeenka Maamulka Degmada Balcad Maxamed Abshir Koba-qori ayaa sheegay in dilka marxuumka uu ka dambeeyay nin ka tirsanaa ilaalada Shirkadda, kaasi oo agaasimaha uu muran ka dhaxeeyay.

Gacan ku dhiiglaha oo dilka ku geystay Mindi ayaa la soo qabtay sida uu ku waramay Afhayeenka Maamulka Degmada Balcad Maxamed Abshir Koba-qori, kaasi oo haatan ku xiran xabsiga Degmada Balcad.

Afhayeenka Maamulka Degmada Balcad waxaa uu intaas ku daray  in ay haatan qaban qaabinayaan aaska Marxuumka, kadibna ay go’aanka ka soo saari doonaan sida laga yeelayo gacan-ku-dhiiglaha oo haatan la hayo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in muranka dhexmaray Agaasimaha iyo ninka ka tirsan ilaalada shirkadda ee dilka geystay uu salka ku hayay ruqsad la gaarsiiyay gacan-ku-dhiiglaha, iyadoo ugu dambeyntiina uu murankii gaaray in la dilo agaasimihii Sirkadda Isgaarsiinta NationLink ee Degmada Balcad.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).