Khamiis, November 29, 2007(HOL): Dagaal aad u culus oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu goor dhaweyd ka qarxay Deegaanka Suuqa xoolaha ee Degmada Huriwaa, iyadoo aaggaasina laga maqlayo madaafiic waa weyn oo ay labada dhinac isku ridayaan.
Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku jira Xeradii Maslax iyo Warshaddii Baastada iyo Kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday, wuxuuna dagaalka haatan u muuqataa mid ay saameyntiisa gaareyso xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa oo ay ku soo dhacayaan madaafiic habow ah.
Dagaalka oo madaafiicda la isugu adeegsanayo laga maqlayo Degmooyinka kale ee gobolka Banaadir ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay inkastoo xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa oo ay madaafiic ku dhaceen ay dad rayid ah ku dhaawacmeen.
Goob-jooge ku sugan Deegaanka Suuqa Xoolaha oo lagu magacaabo C/Casiis Xuseen Cali ayaa HOL u sheegay in ay Madaafiic xooggan oo laga rido Taangiyada iyo Qoriga Hoobiyaha ay ku soo dhacayaan Xaafadahooda, walow uu sheegay in madaafiicda badankood ay ku dhaceen guryo ay dadkii deganaa ka barakaceen.
Dagaalka ayaa bilowday sida uu goob-joogahani noo sheegay kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah ay isku dayeen in ay howlgallo ka sameeyaan Deegaanka Suuqa Xoolaha, kuwaasi oo markii ay damceen in ay howgallada bilaabaan ay ku soo bilaabatay rasaas kaga imaaneysay dhinaca Kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.
Sidoo kalena Dad ku sugan Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa noo sheegay in ay arkayaan oo ay u muuqdaan meelo gubanaya oo Deegaanka Suuqa Xoolaha ku yaala, kuwaasi oo uu u maleynayaan in ay yihiin meelo shidaal lagu iibiyo.
Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira ayaa saaka waxay howlgallo ka wadaan qeybo ka mid ah wadooyinka 30-ka iyo Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga Ceymiska, Carafaadka iyo Isgoyska Towfiiq.
Warar naga soo gaaray halka lagu magacaabo Jiiro Garoob oo dhanka bari kaga toosan Hotelkii Towfiiq-na waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka sameynayay halkaas ay saaka toogteen nin rayid ah, kaasi oo aan la ogeyn sababtii ay u toogteen.
Wixii ka soo kordha dagaalka ka socda Deegaanka Suuqa Xoolaha howlgallada ay Ciidamada wadaan kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia