Khamiis, November 29, 2007(HOL): Sida ay ku waramayaan Mas’uuliyiinta maamulada Degmooyinka Guri-ceel iyo Matabaan oo ka kala tirsan Gobalada Gal-gaduud iyo Hiiraan waxaa siweyn u sii kordhaya dhibaatada heysta dadkii dhawaan ka Firxada dagaalkii dhax-naray Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo kooxo gacan saar la leh Midowgii Maxkamadaha oo ku sugan qeybo ka mid ah Gobalada dhaxe.
In ka badan 500 oo Qoys oo sida la sheegay ay ka mid yihiin qoysas markii horeba ka soo baxsaday Dirirta iyo Qaraxyada Magaalada Muqdisho ayaa hada laga deyrinayaa xaaladooda Noleed kadib markii ay la soo daristay dhibaatada dhinaca Nolasha ah.
Intooda badan Dadkan barakacay ayaa u firxaday dhulka Miiga ah ee ku hareereysan labada degmo iyaga oo aan heysan Agabkii nolasha taasoo qasab ka dhigtay qaar kood in ay isaga hoos noolaadaan Geedaha hoostooda.
Kuwa ugu daran ee hadda la soo sheegayo in dhibaatadu saameysan ayaa ah Qoysaskii markii horba ka soo barakacay Caasimada Muqdisho oo hada mar kale ka sii barakacay Deegaanadii ay markii hore soo maciinsadeed,
“Ma’heystaan hoy sidoo kale dadkani ma heli karaan kabayaashii nolasha oo Idil, xitaa hadii ay dib u soo laaban lahaayeen wali waxaa taagan cabsidii laga qabay iska hor imaad mar kale dhax-mara Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha Kacdoonka Wada oo wali la Rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah gobalada dhaxe ayuu Yiri C/laahi warsame Gudoomiyaha Degmada Mataab.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in gobaha dadkani u barkaceen yihiin kuwo ay ka jirto dhibaato dhinaca biyaha ah, kadib markii in badan ay gureen ceelashii biyaha ee ku yiilay dhulka Miiga ah ee u dhaxeeya labada Gobal Hiiraan iyo Gal-gaduud.
Sidaas daraadeed Mas’uuliyiinta labada Degmo ee Matabaan iyo Guri-ceel ayaa ka codsanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmo loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan dhulka miiga ah ee markii horeba ka soo cararay dagaalada iyo xaalada murugsan ee ka taagan Caasimada Muqdisho.
Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ka soo baxaya deeganadii dhawaan dagaaladu ka dhaceen ayaa sheegaya in xaaladu tahay mid caadi hada ku soo noqoneysa walow hadan dadku wali ka cabsi qabo suurta galnimada mar walba dagaal la filan karo, maadaama la rumeysan yahay in wali Koxaha Rabshadaha wada ku dhuumaaleysanayaan qeybo ka mid ah deegaanada u dhaxeeya Gobalada Hiiraan iyo gal-gaduud, waxaana hada soo baxaya warar sheegaya in kooxahani doonayaan in ay weeraro ku qaadaan Ciidamada Itoobiyaanka ah laga yaabo in ay isaga kala gudbaan gobalada dhaxe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia