10.9 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Guddiga Ammanka Qaranka oo ka hadlay weerarro xalay lagu qaaday goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 28, 2007(HOL): Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay shirkooda uga wada hadleen  weerarro xalay lagu qaaday goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka.
 
Shirkaas ayuu Guddiga Ammaanka kaga hadlay weerar xalay lagu qaaday Ciidamo  ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Deegaanka Xoosh ee Degmada Dharkeenley, kuwaasi oo weerarkii lagu qaaday uu ku dhintay hal askari.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali oo shirkaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay askariga xalay lagu dilay deegaanka Xoosh, wuxuuna intaas ku daray in kooxihii soo weeraray ciidamadii halkaas ku sugnaa ay waxyeello u geysteen  Matoorka Ceel ay dadka deegaankaas biyo ka cabi jireen.

Afhayeenka waxaa uu caddeeyay in ragga weerarka ku soo qaaday Ciidamada Dowladda ay soo labisteen dharka Ciidamada Dowladda, sidaasna ay ugu suurtagashay in ay waxyeello gaarsiiyaan Ciidamadii ku sugnaa deegaankaas Xoosh, balse waxaa uu tilmaamay in lagu dabo jiro kooxihii hubeysnaa ee weerarka ku soo qaaday Ciidamada Dowladda.
 
Maxamed Muxyaddiin Cali waxaa uu sidoo kale sheegay in Guddiga Ammaanka Qaranka iyo maamulka Gobolka Banaadir ay ka wada hadleen weerarro iyana lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay weerarradaas ka dambeeyeen sida uu hadalka u yiri Kooxaha Nabad-diidka ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho oo muddo bil ku dhow ku jirtay xaalad deganaan ah ayaa waxaa haatan mar kale dib uga soo cusboonaanaya weerarradii ku dhufo-oo-ka-dhaqaaqda ahaa ee ay Kooxaha hubeysan ku qaadi jireen Fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).