Arbaco, November 28, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay ogolaatay in Xujaayda sanadkan ay isticmaalaan Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, iyadoo go’aankaasna ay Dowladda qaadatay kadib markii ay shir yeesheen madaxda sare ee Dowladda oo sida la sheegay loo gudbiyay cabashooyin ka imaanayay Xujaay Fiisooyin loogu soo saaray Baasaboorkii hor ee Soomaaliya.
Afhayeenka Xukuumaddii hore Soomaaliya, haatan-na u hadlay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha cusub Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka wada hadlay cabashooyinka ka imaanayay Xujaayda ay go’aamiyeen in Baasaboorkii hore uu ka mid noqdo Dukumiintiyada ay ku socdaalayaan Xujaayda sanadkan, isagoo caddeeyay in ay Dowladda go’aamisay in sidoo kale Xajka lagu aadi karo Baasaboorka cusub iyo Dukumiinti aan Baasaboor ahayan, balse dhaafiye fudud ah, kaasi oo Xajka kaliya lagu aadi karo.
Cabdi Xaaji Goob-doon oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aan Baasaboorka cusub la isticmaali doonin wixii ka dambeeya Xajka, wuxuuna caddeeyay in xiligaas kadib uu si rasmi ah u shaqeyn doono Baasaboorka cusub ee ay soo sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay waxay u soo saartay amar ah in aan lagu dhoofi karin Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, isla makaana ay Dadka Xujaayda ah ee aan fursadda u helin in ay qaataan Baasaboorka cusub ay qaadan karaan Dukumiinti ay Xajka ku soo gudan karaan.
Amarkaas ka soo baxay Waaxda Socdaalka waxaa si weyn uga naxay Shirkadaha Diyaaradaha Muqdisho iyo weliba Xujaay badan oo Visa loogu saaray Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, hayeeshee waxay aad ugu farxeen go’aanka ka soo baxay madaxda Dowladda Federaalka ee loogu ogolaaday in Baasaboorkii hore ku tegi karaan Sacuudiga si ay u soo xajiyaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Go’aanka ka soo baxay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Xujaay badan oo ka tegay Magaalada Muqdisho ay Baasaboorkii hore kaga dhoofayeen Garoomo ku yaala Deegaannada Puntland iyo Somaliland, kadib markii laga diiday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia