13.4 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Fariisimo ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya oo xalay la weeraray iyo meydadka Dad rayid ah oo saaka lagu arkay Deegaano ka mid ah Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 28, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa ka dhacay weerarro lagu qaaday fariisimo ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya.
 
Weerarrada lagu qaaday Fariisimada Ciidamada Itoobiya oo dhacay waqtiyo isu dhow oo xalay fiidkii ahaa ayaa waxaa lagu qaaday fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin Xarunta Warshaddii baastada iyo xarun u dhow oo ay leedahay Warshad kale oo lagu magacaabo Xeyla Bariise.

Dadka deegaankaas ku dhaqan ayaa waxay sheegeen in labadaas fariisin ay Kooxo hubeysan ku weerareen madaafiic xooggan, iyadoo Ciidamadii Itoobiyaanka ahaana ay iyaguna ku jawaabeen madaafiic kale oo culus. Lama soo sheegin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo ay madaafiicdaas geysteen xiliga oo habeen ahaa dartiis.

Sidoo kalena fariisimo ay Ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin Waddooyinka Warshadaha ayaa iyana xalay la weeraray, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo socday muddo 30 daqiiqo ah.
 
Dhanka kalena, saaka markii uu waaga baryayay ayaa agagaarka Isgoyska Ex- Koontarool Balcad ee degmada Huriwaa waxaa lagu arkay meydka wiil dhalinyaro ah oo la gowracay, kaasi oo sida ka muuqatay guri lagala soo baxay bacdamaa uu qabay kaliya Kastuumo iyo Funaannadda Shaararka laga hoos-gashado.

Sidoo kalena, agagaarka Xeradii Maslax oo ku taala dhanka Waqooyi ee Suuqa Xoolaha ayaa waxaa saaka lagu arkay meydka labo Dumar ah iyo hal Rag ah, kuwaasi oo la sheegay in ay u geeriyoodeen rasaas ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee xeradaas ku jira  ay ku fureen gaari ay la socdeen xili ay marxuumiintaas u sii hoyanayeen Degmada Balcad iyo Deegaano hoos-yimaada.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).