13.4 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in ay Ciidamadiisa ku qasbanaadeen in ay Soomaaliya sii joogaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 28, 2007(HOL):  Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in ay ku dheeraatay mudadii uu ugu talagalay in uu Ciidamadiisa kala soo baxo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay taasi ugu wacan tahay iyadoo aysan Soomaalida weli ku guuleysan in ay ammaankooda sugaan, halka Beesha Caalamka oo laga sugayay in ay Ciidamo u diraan Soomaaliyana aysan weli ciidamo u dirin.

Meles Zenawi oo ka jawaabayay Su’aalo ay weydiinayeen Mudanayaasha Baarlamaanka Dalkiisa ayaa wuxuu sheegay in Soomaalida ay gaari waayeen marxalad ay ku meel-marin karaan howlgallo ay ku sugaayaan ammaankooda, isagoo taasiga sabab uga dhigay iyadoo ay jiraan is-mari waa’ ka dhex abuurtay Beelaha Soomaaliyeed qaarkood.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka jawaabayay weydiin ahayd sababta uu Ciidamada Itoobiya ugu hayo Soomaaliya ayaa sheegay sin Ciidamada Itoobiya ay ku qasbanaadeen in ay Soomaaliya sii joogaan kadib markii ay beesha Caalamka Soomaaliya u diri weysay Ciidamo kala wareega howsha nabad ilaalinta ah ee ay Soomaaliya u joogaan, sidoo kalena waxaa uu xusay in waxyaabaha ku qasbaya in ay Soomaaliya sii joogaan ay tahay iyadoo aysan Ciidamada Dowladda Federaalka awood u lahayn in ay sameeyaan howlgallada lagula dirirayo wax  uu ugu yeeray Argagixisada, isal markaana ammaanka lagu sugayo.

“Markii aan dhameynay howsha waxaan aaminsaneyn oo aan fileynay in ay abuurmi doonto xaalad inoo saamixi doonta in aan Ciidamadeena la soo baxno, hayeeshee taasi ma aysan dhicin waayo Soomaalida ayaa kari weysay in ay dib isu abaabusho oo markaasina ay gaaraan marxalad ay ku fulin karaan howlgallo ay ku sugi ammaankooda, taas ayaana nagu kaliftay in aan ciidamadeena ku sii heyno Soomaaliya”ayuu yiri Meles Zenawi oo sheegay in ay mas’uuliyad darro ugu muuqato in uu Ciidamadiisa ka saaro Soomaaliya iyadoo aan la helin Ciidamo kale oo kala wareega howlgallada nabad ilaalinta ah.

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya in ay muujiso doorkeeda ku aadan aarrimaha Soomaaliya, isla markaana ay ka dhabeyso ballanqaadkeedi ahaa in ay Ciidamo u dirto Dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo wareysi siiyay Taleefashinka Aljazeera uu sheegay in xaaladda ammaan ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ay inta badan yihiin kuwo sugan, isla markaana kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamadiisa ay ku sugan yihiin Seddex Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu xusay in  iyana dhawaan laga sifeyn doono.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).