13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo qaraxyo lagu weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 27, 2007(HOL):  Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay qaraxyo lala beegsaday Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo marayay agagaarka Dugsigii sare ee 21ka Oktoobar, wuxuuna qaraxaas sababay dhaawaca askartii gaarigaas saarneyd iyo weliba labo ruux oo kale oo mararayay halka uu qaraxa ka dhacay.

Qarax kale oo lala eegtay gaari ay wateen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxaasi geystay dhaawac seddex ruux oo ahaa Dad rayid ah oo wadada socday.

Labada meelood ee ay qaraxyada ka dhaceen ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo baaris ku haya guryaha iyo goobaha ganacsi ee deegaanadaas ku yaala.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, qaraxyadan lala eegtay gaadiidka ay la socdeen Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo maanta Guddiga Ammaanka Qaranka oo uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ay tahay mid ka soo hagaageysa sidii ay ahayd.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).