13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo joojisay furitaanka Jaamacadaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 27, 2007(HOL):  Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa mamnuucday oo joojisay abuuritaanka Jaamacado gaar loo leeyahay, ilaa muddo aan cayimnayn. Isla markaana ugu baaqday Muwaadiniinta danaynaysa aas-aasitaanka Jaamacado, ay dhaqaalaha ay ku bixin lahaayeen u bedelaan inay ku bixiyaan maalgelinta dugsiyo xirfadeed iyo kuwo farsamo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhweyne), ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray, ku hakiyay alkumidda iyo aasaaska Jaamacado ka hirgala dalka. Warsaxaafadeedka arrintaa ku saabsan ee uu Wasiirku soo saaray, ayaa waxay u dhignayd sidan:

“Wasaaradda Waxbarashadu, waxay mahad iyo bogaadin u jeedinaysaa muwaadiniinta reer Somaliland ee doonaya inay jaamacado ka aas-aasaan dalka, taas oo ka turjumaysa  dareenkooda wadaninimo  iyo is-xilqaan dheeraad ah. Hase yeeshee, waxa dhamaan dadka soo codsaday  in ay jaamacado aas-aasaan iyo kuwa ku talo jira la ogaysiinayaa in aan wakhtigan xaadirka ah loo ogolayn aas-aasida jaamacado cusub ilaa dib loo qiimeeyo  baahida dalka ee dhinaca waxbarashada sare, lana hirgeliyo Komishinkii Waxbarashada sare. Waxa kale oo aanu ku kalsoonahay in ay jaamacadaha maanta jiraaa dabooli karaan baahida hadda jirta.

Dhinaca kale, waxaanu muwaadiniintan u soo jeedinaynaa hantida ay Jaamacado ku samyn lahaayeen inay  ku maal geliyaan  dugsiyo farsamo iyo kuwo xirfadeed, kuwaasi oo ka baahi balaaran kana badan tan Jaamacado loo qabo. Waxana aan mar labaad idiin soo jeedinaynaa mahad iyo bogaadin balaadhan”.
 
Barkhad M. Kaariye    Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).