13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Faah faahin ku saabsan Khasaaraha Dagaal Duleedka Beledweyne ku dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 27, 2007(HOL):  Madaafiic iyo Rasaas Culus oo ay ridayeen Ciidamada Itoobiya ayaa habeenimadii xalay abaara saacaddu markey ahayd 9:30 Fiidnimo laga maqlay duleedka Magaalada Beledweyne, walow aan la ogeyn sababta Ciidamadu u ridayeen hubka oo si weyn looga wada maqlay daafaha magaalada Beledweyne.
 
Dhinaca kale waxaa si weyn isu soo taraya Qasaaraha ka dhashay dagaal Maalintii shalay ku dhax-maray inta u dhaxeysa Jiirta-Qabno iyo Degmada Matabaan Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo Maalmihii aynu soo dhaafnayba ku sugnaa qeybo ka tirsan Deegaanada Matabaan iyo Bacda ee Gobalka Hiiraan.
 
Gudoomiyaha Degmada Matabaan C/laahi Warsme Xirsi (Daba-gooye) oo ka hadalay Qasaaraha Dagaalkii dhacay Maalintii shalay ayaa sheegay in dhimashada dadka rayidka ah gaarayaan ilaa 6 Ruux halka tiro intaa la egna ay ku dhaawacmeen.
 
Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu intaas ku daray in dhamaan Degmada Matabaan dadkii ku dhaqnaa isaga baxeen kadib markii ay u adkeysan waayeen Rasaasta culus oo ay dhanacydu isweydaarsdeen,  waxaana uu intaas ku daray in dadka rayidka ah ee dhintay ay ka mid yihiin Labo ruux oo ciidamada Itoobiyaaku ku dileen gudaha degmada, kaawasoo mid ka mid ah uu ahaa Arday.
 
C/llaahi Warsame oo dhinaca kale ka hadlay sababta uu u maleynayo in dagaalku ka dhashay ayaa sheegay in la weeraray Kolonyo Ciidamo Itoobiiyaan ah oo ku siii jeeday dhinaca Gobolada Dhexe, isaga oo ku tilmaamay Kooxaha weeraray in ay ahaayeen sida uu hadalka u dhagay kuwo maalmihii aynu soo dhaafnay rabshadu ka waday qeybo ka mid ah Gobalada dhaxe.
 
Ilaa hadda lama oga khaasaaraha soo gaaray dhanacyadii uu dagaalku dhex-maray inkastoo warar aan la xaqiijin karin ay sheegayaan in dhinaca Ciidamada Itoobiyaanku Weerarka lagu qaaday kaga dhinteen labo ka Tirsan Askartooda.
 
Dagaalka ayaa soo gaaray ilaa habeenimadii xalay iyadoo dhawaaqa Madaafiicda laga maqlayay halka lagu magacaabo (Labiga Hiiraan) oo ku dhaw Degmada Gure-ceel ee Gobalka Gal-gaduud sida ay xaqiijeen qaar ka mid ah dadka Degamada Guri-ceel oo ay HOL la xirirtay.
 
Inkastoo Ciidamada la weeraray lagu tilamaamay in ahayeen kuwo ku sii jeeday qeybo ka mid ah gobalada dhaxe ayaa dhanka kale waxaa warar soo baxaya sheegayaan in ujeetada socdaaalkoodu ahaa mid la xiriira baadi-goobka Kooxo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamiga oo maalmahan ku sugnaa qeybo ka mid ah Degmada Matabaan iyo Deegaanka Bacda, waxaana waraku intaas ku darayaa in Kooxaha shalay la dagaalamay Ciidmada Itoobiya ahaayeen kuwo dhawaan weeraray Deegaanka Bacda iyo Degmada Matabaan islamarkaana dib ugu laabtay dhinaca dhulka Buuraleyda ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).