13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka wada inta u dhaxeysa Deegaanka Bacda iyo Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 27, 2007(HOL):  Ciidamada Dowlada Itoobiya oo ku hubeysan gawaarida Dagaalka kuwasoo qaarkood ka soo dhaqaaqay Degmada Feer-feer ee Ismaamulka Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay howlgal adag ka wadaan inta u dhaxeysa Degmada Matabaan iyo Deegaanka Bacda oo isku jira Masaafo dhan wax ka yar 10km.
 
Ciidamada oo sidoo kale howl-galkooda ku wehliyeen kuwo ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa gaaray sida HOL ay u xaqiijiyeen ilo Xog-ogaal ah Buurta lagu magacaabo (Qabno) oo habeenimadii xalay kooxo hubeysan oo sida la sheegay ka tirsan Maxkamadihii islaamiga iyo ciidamo kuwa Dowlada Federaalka ah isku weydaarsadeen Rasaas cuslus.
 
Intii uu socday howl-galka Ciidamada ayaa meelaha qaar waxaa laga maqlayay Rasaas ay ridayeen Ciidamada Dowlada Itoobiya oo looga gon-lahaa sida cad bal in wax jawaab ah ay bixiyaan kooxaha la sheegay in ku dhuumaaley-sanayaan dhulka Buuraleyda ah, lakiin ma’ dhicin wax iska hor-imaad ah u dhaxmaray labada dhinac.
 
Mid ka mid Gadiidlayeda isticmaasha Jidka isku xira Gobalada dhaxe oo soo maray halka howl-galku ka socdo ayaa u sheegay HOL in Ciidamada Itoobiyaanku joogaan Baraha-koontarool ee fariisinka u ahaa kuwa Ciidamada  Dowlada Federaalka, waxaana uu intaa ku daray in Gadiidleyda la weydiinayo bal hadii ay la kulmeen kooxaha lagu raad joogo iyo in kale.
 
Arintan oo noqotay hadal heynta ugu badan ee gudaha Magaalada Beledweyne ayaa sidoo kele ku soo beegantay xili habeenimadii xalay rasaas culus isweydaarsadeen Ciidamada Dowlada Federaalka ee Fadhigoodu yahay Bacda iyo Kooxo hubeysan oo loo meleynayo in ay ugu yaraan gacan-saar la leeyihiin  Maxkamadihii islaamiga.
 
Waxaa sidoo kale xusid mudan in dhawaan Kooxahani galeen gudaha degmada Mabaan ee gobalka Hiiraan in kastoo aysan waxba ka sameyn gudaha degmada marka laga reebo iska  hor-imaad dhaxmaray iyaga iyo koox maleeshiyo ah oo joogtay Jid-gooyo.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiya ee hada bilaabay in ay baadi goobaan kooxahan Rabshadaha ka wada jidka isku xira gobalada dhaxe ayaan la ogeyn in ugu danbeytii ay ku guuleysan doonaan howl-galkooda, waxaana dadku is-weydiinayaa wax dhici kara marka ay is arkaan Ciidamada Itoobiya  iyo Kooxaha kacdoonka wada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).