13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Seminaar ay ka qeybgelayaan Saxafiyiin iyo Sharci-yaqaanno oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, November 27, 2007(HOL):  Seminaar socon doona muddo saddex cisho ah, ayna ka qeyb qaadanayaan qaar ka mid ah saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Muqdisho iyo garyaqaano Soomaaliyeed ayaa ka furmay Hotel Saxafi 2 ee magaalada Muqdisho.

Seminaarkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ee xuquuqda aadanaha ayaa waxaa looga doodi doonaa inta uu socdo horumarinta nabadda iyo xuquuqda aadanaha iyo doorka saxafiyiinta iyo sharciyaqaanada ay isula jaan qaadi karaan iyo qodobo kale.

Furitaankii seminaarkan oo ay ka hadleen guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Dr. Xasan Max’ed Cali, Cabdi Weheliye oo ah xubin ka tirsan hay’ada Dr. Ismaaciil Jimcaa-le, madaxa baarista dambiyada iyo xadgudubyada  Xaruntaas C/laahi Calas Jimcaale,  Xabiibo Xaaji Jimcaale oo ka tirsan dalladda haweenka COGWO iyo xubno kale ayaa waxaa maalintii shalay ahayd si wayn diiradda loogu saaray qaabka saxaafada ay uga qayb qaadan karto xallinta khilaafaadka ama Conflict-ga bulshada ka dhex dhaca iyadoo loo marayo qaab saxaafadeed.

Seminaarkan ayaa sidoo kale waxaa xubnihii ka qayb galay ay ka soo jeediyeen fikrado kala duwan oo lagu xallin karo khilaafaadka iyo doorka saxaafadda ay ku leedahay dhameynta khilaafaadyada bulshada dhexdeeda ka dhex dhaca.


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).