15.4 C
London
Saturday, October 18, 2025

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku baaqay in la sii wado qorshaha Ciidamo ka socda UN-ka loogu dirayo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 20, 2007(HOL): Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ay ku yeesheen Xaruntooda New York waxay kaga hadleen xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Nabdgelyo la’aanta iyo Gargaarka Bani’aadannimo ee ay u baahan yihiin Dad badan oo ka barakacay dhibaatada ka jirta Magaalada Muqdisho.
 
15-ka Xubnood ee joogtada u ah Qaramada Midoobay ayaa waxay shirkooda hoosta uga xariiqeen sida loogu baahan yahay in la sii wado qorshaha lagu doonayo in Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo UN-ka ka socda loogu diro Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeybqaadan doona howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xiligan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah Danjiraha Dalka Indonesia u fadhiya UN-ka  Mr. Marty Natalegawa ayaa shirkaas kadib waxaa uu saxafiyiinta u sheegay in ay shirkooda si weyn ugu lafo-gureen dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in ay beesha Caalamka ugu baaqeen in ay gargaar deg deg ah lala gaaro dadka ku dhibaateysan Soomaaliya.

Sidoo kalena, xubnaha Golaha Ammaanka ee shirka isugu yimid waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay isugu tagaan miiska wada hadalka, khilaafkooda ay wada hadal ku xaliyaan.
 
Hadalka ka soo baxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horaantii bishan uu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon uu shaaca ka qaaday in aaney caqli-gal ahayn in  Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo UN-ka ka socda loo diro Soomaaliya, isagoo taasina sabab uga dhigay in xaaladda Soomaaliya ay tahay mid khatar ah oo aan xitaa lagu aamini karo Saraakiil xaqiiqo raadin ah oo UN-ka ka socda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).